|
Haweenka Soomaaliyeed iyo
Fanaaniinta Ottawa oo xaflad u sameeyey Fannaanadda weyn ee Hibo Nuura.
Haweenka iyo Fanaaniinta ku nool magaalada Ottawa ee waddanka Canada ayaa
dhawaan waxaa ay xaflad weyn oo soo dhaweyn iyo marti qaad ah ay sameeyeen
Fannaanadda Caanka ah ee Soomaaliyeed Hibo Maxamed Hibo Nuura oo socdaal ku
tagtey wadanka Canada. 
Xafladdaas oo
si weyn loo soo agaasimay waxaa isku soo dubbarida Dadka Soomaaliyeed ee
magaaladaas deggan gaar ahaan Fanaaniinta iyo Haweenka ku nool Magaaladaas,
waxaana halkaas lagu soo bandhigey Ciyaaro, Heeso, iyo Suugaan kala duwan oo
ay soo diyaariyeen dadkii Xafladdaas kasoo qeyb galey.

Iyadoo aan la soo koobi karin dadkii Munaasabadaas ka soo qeyb galey ayaa
waxaan ka xusi karnaa fanaaniinta ay ka mid yihiin Khadiija Cabdullahi
Daleys, Faadumo Cali Nakruuma ,Deeqa Ahmed iyo koox Muusikada garaacda oo uu
kamid ahaa Wiilka Muusikada Caanka ku ah ee la yiraahdo Saleebaan
Uurdoox. Xafladdaas ayaa waxey aheyd mid runtii ay ka muuqatey dadkii soo
habeeyey sida ay ugu faraxcsan yihiin Imaatinka ay magaaladooda timid Hibo
Nura oo aysan arag wakhti dheer, iyadoo Heesihii iyo Suugaantii halkaas laga
qaadey ay ku cabbirayeen xiisaha iyo hilowga ay u qabeen Fanaanadooda aysan
muddada arkin.

Isku soo wada duuboo waxaa halkaasi ka dhacey damaashaad aad u weyn oo ay ka
muuqatey sida ay isu jecel yihin guud ahaan dumarka Soomaaliyeed gaar
ahaanna Fanaaniinta oo iyagu ku kala baahay dacallada Dunida iyagoo
dagaaladii waddanka ka dhacey dartood qaarba waddan kale ay magan galyo ugu
noolaayeen muddo dheer. RSTV NEWSROOM
OTTAWA, CANADA
© RSTV 2006. All Rights Reserved |