Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Maslax Sheekh Cali Dheere oo lasii daayey xili Muqdisho uu afduub kale xalay ka dhacay.

Warar aanu ka helnay ilo ku dhow dhow ehelka Maslaxa sh.Cali dheere oo maamlmihii gu danbeeyay afduub loogu heysaty degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in lagu guuleystay sii deyntiisa kadib dadaallo ay sameeyeen eheladiisa.

Maslaxa Sh.Cali Dheere ayaa waxaa laga afduubtay dugsi Quraan xilii uu dhiganaya isagoo ku sugnaa xaafadda Juungal ee degmada yaaqsgid ee magaalada Muqdisho.

Sii deynta wilkaasi 14 jirka ah ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay dadka ku dhaqan magaalad muqdisho oo iyaga hore u muujiayay sida ay uga soo horjedaan afduubyada lagula kaco dadka aan waxba galabsan ee kusoo kordhaya magalada Muqdisho.

Sh.cali Sh.Max'ud Sh.Clai Dheere oo hore u sheegay in wiilkiisu uu gacanta ku hayo wasiirka ganacsiga dowladda FKMG xubinna ka ah Isbaheysiga Soo Celinta Nabdda iyo La dagaallanka aragagixisada ayaa muujiayy dareen farxadeed markii uu maqlay in wiilkiisa lasii daayay.

Sii deynta Maslax ayaa waxa ay kusoo beegantay habeenkii xalay ahaa xaafada Baar Ubax lagu afduubtay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Feysal Axmed Caraale oo ay qafaasheen kooxo hubeysan oo gaaraya 6 nin oo wattay gaari MarkII.

 

 

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV NEWSROOM

 


© RSTV 2006. All Rights Reserved