|
Dowlada federaalka oo ka hadashay
afduub maalintii afaraad magaalada Muqdisho loogu heysto wiil uu dhalay
dallada culimada muslimiinta wadanka Soomaaliya.
Wasiirka dib u heshiisiinta dawladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya
mudane Sheekh Aadan Maxamed Madeer ayaa maanta markii ugu horreysay ka
hadlay afduubka wiil yar oo uu dhalay guddoomiyaha Dallada Culamada
Soomaaliyeed Sheekh Maxamuud C/baari maalintii 4aad afduub loogu haysto
gudaha magaalada Muqdisho.
Wasiirka oo ay isku heyb yihiin sheekh Maxamuud oo ah aabaha wiilka yar
ee afduubka lagu haysto ayaa codsaday si shuruud la’aan ah in lagu sii daayo
wiilkaasi yar oo laga magacaabo C/raxmaan oo maalintii arbacada ahayd laga
afduubtay dugsigii uu dhiganayay oo ku yaalla degmada Heliwaa ee magaalada
Muqdisho.
Hadalka wasiirka waxa uu soo baxay kagadaal markii kooxda afduubka ku
haysata oo qadka taleefanka kula soo xiriiray reerka wiilkaasi ay dalbadeen
lacago madax furasho ah oo gaaraysa $12,000 oo doolarka Mareykanka ah,
taaasoo uu ku gacan seyray Sheekh Maxamuud C/baari oo sheegay taa badalkeeda
in uu ka samrayo wiilkiisa uu sida weyn u jecel yahay.
Ururada u dooda xuquuqda aadmiga ,kuwa u dhaqdhaqaaqa arimaha bulshada,
ganacsatada gobolka Banaadir ,dalladaha waxbarashada, ururada ardayda iyo
inta samaha jecel ayaa canbaareysay afduubka loo gaystay wiilka yar ee
ardayga ah, ayadoo maantana albaabada loo laabay dugsiga Fatxu-Raxmaan oo ah
dugsiga uu wax ka dhigan jiray ardayga.
Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV NEWSROOM
© RSTV 2006. All Rights Reserved |