Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Dablay afduub u heysata wiil uu dhalay gudoomiyaha dalada muslimiinta wadanka Soomaaliya oo dalbaday madax furasho lacageed oo gaareysa 12 kun oo doolar.

Lacag madax furasho ah oo Gaareysa 12 kun oo Doolar ayey Xalay sheegteen Maleyshiyadii afduubka ku heysatay Wiil 13jir ah oo ka tirsan ardayada waxkabarata Dugsi la yiraahdo Fatxu raxmaan oo 12kii bishan laga afduubtay isagoo ku sugnaa Dugsigiisa sida ay xaqiijiyeen Ehelada Wiilkaasi Qaarkood oo Waxgaradka Muqdisho ugu baaqay iney badbaadiyaan wiilkooda oo aaney ogeyn xaaladiisu sida ay tahay.

Sheekh Maxamuud Cabdalbaari oo ah Aabaha Wiilka la afduubtay ayaa Saakay Saxaafada Muqdisho usheegay iney taleefoon usoo direen Dableyda Heysata wiilkiisa iyagoo Codsaday in Wiilka laga siiyo lacag dhan $12,000 oo doolar hadii kale ay sii heysan doonaan wiilka.

Sheekha oo kasoo jeeda beelaha digil iyo Mirifle ayaa waxaa ka muuqday Xaalad Murugo leh isagoo mararka qaarkood iska ilmeynayey,Qaar ka tirsan Odayaasha Beeshiisa ayaa iskudayaya iney Raadiyaan lana xiriiraan Odayaasha kale ee Beesha ay dableydu kasoo jeedaan si ay wadahadal sii deynta Wiilka ku saabsan ula galaan sida aan kasoo xiganay sheekh Maxamuud Cabadalbaari laftigiisa.

Afduubka C/raxmaan Sheekh Maxamuud waxaa Cambaareeyey Dhamaan Bulshada rayidka ah gaar ahaanna Daladaha waxbarashada iyo Hey'adaha Xuquuqda aadamiga udooda oo ku tilmaamay afduubkaasi mid qatar ku ah Diinta islaamka iyo dhaqanka Suuban eer Soomaaliyeed waxayna codsadeen in sida ugu dhaqsiyaha badan loosii daayo iyadoon shuruud lagu xirin.

Maamulka dugsiga uu wax ka baraneyey Wiilka afduuban ayaa laga yaabaa iney Xiraan Dugsiga ilaa inta lagasii deynayo Ardaygooda sida ay sheegeen Qaar kla tirsan Maamulka Dugsigaasi oo ku yaala Xaafada Heliwaa ee Waqooyiga Muqdisho.

 

 

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho
.

 


© RSTV 2006. All Rights Reserved