|
Guddi madaxweynaha Soomaaliya uu
u xilsaaray daminta xiisad ka taagnayd Waajid oo arinkaa ku guuleystay.
Guddigii madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed u magacaabay xal ka gaarista
xiisadii ka oognayd degmada Waajid ee ka dhalatay dil dhawaan halkaasi loogu
gaystay mid ka mid ah dadka ku dhaqan oo ay ku kaceen maleeshiyooyinka
daacada u ah madaxweynaha ee kasoo guuray xerada Kongo ayaa waxa ay ku
guulaysteen in ay soo afjareen xiisaddaas.
Guddigan oo isugu jiray wasiiro iyo xildhibaano ayaa waxa ay ku qanciyeen
odayaasha dhaqanka beesha uu kasoo jeedo ninka la dilay in ay qaateen
magdhaw lacageed, ayadoo odayaasha dhaqanka oo markii hore dalbanayay in loo
soo gacan geliyo raggii ka gaystay fal danbiyaadkaas ay aqbaleen xalkaas.
Waxaa sidoo kale kulankii dhex maray guddiga dhex dhexaadinta iyo
odayaasha dhaqanka ay ku heshiiyeen ciidankaas in ay sii joogaan xeryaha
looga sameeyay degmada iyo in ay u ogalaadaan ciidanka in ay la wadaagaan
ceel biyoodyada deegaanka oo aanan laga takoorin.
Guddiga ka socda dowladda iyo odayaasha dhaqanka ayaa waxaa la filayaa in
ay qaban qaabiyaan kulan si fool ka fool ah laysugu keenayo saraakiisha
maleeshiyooyinka dowladda iyo odayaasha deegaanka si looga gudbbo caqabadaha
taagan.
Ma cadda diyada lasiinayo reerka ninka laga dialy, laakin warar laga
helayo degmada Waajid waxa ay sheegayaan reerka ninkaas in ay dalbadeen
lacag kor u dhaafaysa 300 milyan oo shilin Soomaali ah.
Si kastaba ha ahaatee xal ka gaarista falkii ka dhacay degmada Waajid
ayaa soo afjaraya xiisadihii ka taagnaa degmadaas oo ku xanbaaray madaxweyne
C/llaahi Yuusuf Axmed in uu soo dhex galo si uu gacan uga gaysto soo
afjarida xiisadahaas.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU
© RSTV 2006. All Rights Reserved |