Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Wafdi wasiiro iyo xildhibaano isugu jira oo ka yimid gobolada dhexe oo maanta Baydhabo soo gaaray.

Wafdi ballaaran oo isugu jira wasiiro ,xildhibaano iyo odayaal dhaqameedyo ka socday beelaha dega gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayadoo halkaasi si weyn ay ugu soo dhaweeyeen qaar ka mid ah masuuliyiinta dawladda iyo dadweynaha ku dhaqan magaaalda. Wafdigan waxaa kamid ah wasiirka howlaha guud iyo guryeynta Cusmaan Xasan Cali (Caato), wasiirka horumarinta Reer Miyiga Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmadheere), wasiiru dawlaha dekadaha iyo badda Maxamed Jaamac Furux, xildhibaan Cali Calas Qaarey iyo masuuliyiin kale ayaa ka soo baqoolay gobollada dhexe, halkaasi oo ay u joogeen heshiisiinta beelaha Sacad iyo Suleymaan oo muddo sanad ku dhaw ku dagaalamayay gobollada Mudug iyo Galguduud.

wafdigan oo hadal kooban siiyay warfidiyeenada ayaa ku sheegay u jeedada socdaalkooda mid la xiriira sidii madaxda dawladda ay warbixin uga siin lahaayeen halka ay heshiisiinta u marayso iyo gacanta ay uga baahan yihiin dawladda si loo meel mariyo heshiis qalinka ay ku duugaan beelahaasi. Masuuliyiintan ayaa lagu wadaa kulan in ay la yeeshaan madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed oo ay warbixin ka siinayaan sida ay u socoto dadaalada nabadeed oo ay ka dhex wadaan labada beelood, ayadoo madaxweynaha bishii February ee kal hore uu kaga qeyb galay isu soo bax ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo, isagoo ku booriyay labada beelood ee walaalaha ah in ay qaataan nabadda, isla markaana ay iska halmaamaan wixii dhex maray oo colaad ah.

Xubnahan maanta soo gaaray magaalada Baydhabo ayaa la sheegayaa in muddo isbuuc ah ay ku sugnaan doonaan m,agaalada Baydhabo ayagoo kulamo kala duwan la qaadan doona madaxda ugu sareysa ee dowlada iyo xubnaha labada gole ee halkaasi ku sugan ayago markaa ka dibna dib ugu laaban doona gobolada si ay usii wadaan dadaaladooda ku aadan dib u heshiisiinta beelaha sacad iyo Saleebaan.

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV NEWSROOM

 


© RSTV 2006. All Rights Reserved