Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Isbaheysiga SNA oo ku guuleystay in uu kala qaado Maleeshiyaadkii shalay ku dagaallamay degmada Xamarweyne.

Isbaheysiga SNA ayaa waxaa uu wada dadaallo uu ku doonayo sidii loo dhameyn lahaa dagaalladii shalay ka dhacay degmooyinka Xamar Weyne iyo shangaani ee maagalada Muqdisho kuwaasi oo u dhexeeyay ciidamo amni ka suga deegaanadaasi iyo kuwo tabacsan Cabdi Nuure Siyaad oo xubin ka ah Isabaheysiga Soo Celinta Nabadda iyo La Dagaallanka Argagixisada.

Dadka deegaanka aaya waxaa ay kaga mahad celiyeen isbaheysiga SNA kala qaadista maleeshiyaadkaasa iyagoo si weyn u soo dhaweeyay tallabadaasi waxaana ay markale ku celiyen in aysan dooneen in deegaanadooda lagu dagallamo,iyagoo intaasi ku daray in deegandooda ay yihiin kuwo Ilbaxnimada ay ku danbeyso isla markaana aaneyn dagal shaqo ku laheyn.

Masuuliyiin ka tirsan Isabheysiga SNA ayaa shaaca ka qaaday kadib wadahadallo labada dhinac ay la smaeeyeen in ay kaga ogolaadeen in maleehsiyaadka lakala qaado,waxaana uu sheegay Isbaheysiga in wali ay soconayaan dadaallo lagu doonayo sidii xal looga gaari lahaa qasaarihii ka dhashay dagaalka ee soo kala gaaray labada dhinac.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Isbaheysigu uu maanta kulamo la qaadan doono qaar ka tirsan waxgaradka degmooyinka xamar Weyne iyo Shangaani ee xeebleyda koofurta Muqdisho si looga dhaadhiciyo in wadahadal nabadeed ay la galaan Taliye kooxeedka lagu magcaabo Cabdi waal oo maleshiyaadkiisu ay dirirta la galeen.

Deegaanadii shalay ay dagaalladu ka dhaceen ayaa haatan waxa ay u muuqdaan kuwo aad u xasiloon iyadoo la sheegayo in taliye Cabdi Waal uu qirtay isaga in uu ku qaldanaa dagaalkii shalay inkastoo warkaasi aan la xaqiijin.

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV NEWSROOM

 


© RSTV 2006. All Rights Reserved