Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Golaha wasiirada Soomaaliya oo maanta kulan xaalada Muqdisho looga hadlayo ku yeeshay magaalada Baydhabo.

Kulankan oo uu shir gudoominayey ra'isalwasaataha dowlada federaaliga kmg ah ee Soomaaliya isla markaana ka dhacay xarunta ADC ayaa lagu soo qaaday xiisadaha dagaal ee abaabulkooda laga wado magaalada Muqdisho.

kulankii maanta oo ay kasoo qeyb galeen inta badan golaha wasiirada ayaa waxaa ugu horreyn khudbad furitaan ah ka jeediyay ra'iisal wasaare Geeddi oo ka hadlay abaabulka dagaal ee ka socda magaalada Muqdisho, isagoo ugu baaqay dhinacyada wada abaabulkaasi in ay u naxaan shacabka reer Muqdisho oo bilaabay in ay ka hayaamaan qaar xaafadaha Muqdisho, ayagoo ka baqaya in mar kale dagaallo ka qarxaan magaalada.

Xubnaha guddigan loo xil saaray in ay baaritaano kusoo sameeyaan cidda ka danbeysa abaabulka dagaal waxaa kamid ah ra'iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka iskaashiga gobolka ismaaciil Hurre Buubaa, wasiirka lacagta C/kariim Axmed Cali, wasiirka boostada iyo isgaarsiinta Cali Axmed Jaamac (Jingili), wasiirada xanaanada xoolaha Ibraahim Maxamed isxaaq, wasiirka dhulka iyo deegaameynta Mowlid Macaane Maxamuud iyo xubno kale.

Mudane Geeddi ayaa ku wargeliyay saxaafada in saacadaha soo socda uu qaban doono shir jaaraa'id oo uu kaga hadlayo kulankii maanta golaha wasiirada iyo xaalada magaalada Muqdisho.

Magacaabista guddigan ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Muqdisho ay qarka u saaran tahay in ay ka qarxaan dagaalo dhex mara maxaakimta islaamiga iyo isbahaysiga isku magacaabay argagixiso la dirirka, ayadoo labada dhinac ay is weydaarsanayaan hanjabaado kulul oo ay isu sii marsiinayaan warbaahinta.

Maaxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV NEWSROOM


© RSTV 2006. All Rights Reserved