Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Kulan baarlamaanada wadamada muslimiinta uga furmay Istanbuul oo arimaha Soomaaliya lagu soo qaadi doono.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Istanbuul ee caasimada labaad ee wadanka Turkiga ayaa sheegaya in magaaladaasi uu ka furmay kulan ay leeyihiin baarlamaanada wadamada islaamka ee ku jira ururka islaamka .

Kulankan ka furmay Istanbuul oo ay ka qeyb qaadanayaan 47 wadan oo muslimiin ah ayaa waxaa lagu jeexjeexi doonaa waxyaabaha ka taagan caalamka islaamka gaar ahaan xiisadaha ka taagan wadamada Falastiin,Soomaaliya,Ciraq iyo wadamo kale iyo aflagaadadii loo geystay nabigeena suuban SWC.

Xubnaha wadanka Yaman uga qeyb galaya kulankan oo u waramay saxaafada gudaha wadanka Yaman ayaa sheegay in ay ku dadaali doonaan sidii go'aano wax ku ool ah oo Soomaaliya loogu gurmanayo kulankaasi ay kasoo baxaan ayagoo sidoo kalena sheegay in xubnaha baarlamaanada caalamka islaamka ay ka dhaadhicin doonaan in ay il gooni ah u yeesheen xiisada ka jirta Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee kulankan oo maanta oo taariiqdu ay tahay 10ka April ka furmay Istanbuul ayaa socon doonna illaa 14ka bishan aynu ku jirno waxaana la filayaa in qodobo wax ku ool ah oo arimaha Soomaaliya taabanaya laga soo saaro.

Maxamed Cadde.
RSTV  NEWSROOM
Xafiiska  Muqdisho.

 


© RSTV 2006. All Rights Reserved