Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Kulan looga hadlayey nabadgelyada Baydhabo oo maanta halkaasi ka dhacay &qeybtii ka hartay maleeshiyooyinkii ilaalada u ahayd 3-da mas'uul ee ugu sareysa dowlada oo maanta Baydhabo ka ambabaxay.

Kulan ballaaran oo looga hadlayay amaanka magaalada Baydhabo iyo maleeshiyooyinka hubeysan ee Baydhabo Jooga sidii dib loogu celin lahaa xerada Daynuunaay oo horey qaarkood ay uga soo baxeen n ayaa ka dhacay magaaladaasi, waxaana kulankaasi ka qeyb galay mas'uuliyiinta beelaha Digil iyo Mirifle oo uu horkacayey gudoomiyaha baarlamaanka dowlada federaalka kmg ah ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Kulankaan oo qaatay saacado dhowr ah ayaa diiradda lagu saaray sida loo sugi karo amniga magaalada Baydhabo oo maalmihii lasoo dhaafay u muuqday mid faraha kasii baxayey .

Gudoomiyaha gudiyada nabadgelyada gobolka Bay oo saxaafada la hadlay kulankaasi ka dib ayaa sheegay in la isku afgartay in maleeshiyooyinka hubeysan laga saaro gudaha magaalada Baydhabo isla markaana la adkeeyo amaanka magaalada si dowlada ay howlaheeda halkaasi ugu sii wadato.

Saransoor ayaa sheegay in ilaa iyo iminka aan wax dhaqaale ah loo helin maleeshiyaadka laga saarayo magaalada Baydhabo ee dib loogu celinayo xerooyinkoodi laakiin waxa uu xusay in ay filayaan in maleeshiyaadkaasi arintooda xal loo helo.

Dhanka kale qeybtii ka hartay maleeshiyoooyinkii ilaalada u aheyd 3-da mas'uul ee ugu sareysa dowladda ee tababarka lagu soo siinayey magaalada Mombaba ee dalka Kenya ayaa maanta magaalada Baydhabo ka dhoofay.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
 

afiiska Muqdisho.



© RSTV 2006. All Rights Reserved