Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Shariif Xasan oo dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo.

Gudoomiyaha baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta duhurnimadii kasoo degay magaalada Baydhabo, isagoo kasoo duulay magaalada Nairobi oo maalmihii ugu danbeeyay uu kulamo kula lahaa qaar ka mid ah masuuliyiinta ugu sarreysa dowladda.


Gudoomiyaha baarlamaanka dowlada kmg ah ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmihii ugu danbeeyeyba ku sugnaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta golaha baarlamaanka dowlada federaalka Soomaaliya.


Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdigiisa waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay garoonka Baydhabo xubnaha labada gole ee dowladda, isagoo si toos ah ugu gudbay hoyga uu ku leeyahay magaalada Baydhabo.


Shariif Xasan ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Nairobi, halkaasi oo uu kulamo kula soo yeeshay madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo shalay soo gaaray Baydhabo , ra’iisal wasaare Cali Max’ed Geeddi oo weli ku sugan magaalada Nairobi iyo gudoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere.

Ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa waxaa lagu wadaa isagana in uu soo gaaro magaalada Baydhabo maalmaha soo socda si mar kale masuuliyiinta ugu sarreysa dowladda ay go’aan uga gaaraan halka dowladdu ay ku shaqaynayso iyo sida laga yeelayo heshiiskii ay la gaareen Maxamed Dheere oo mar xulufo la ahaan jiray dowladda .

Soo laabashada gudoomiyaha baarlamanka ayaa kusoo beegmaya maalin uun ka dib markii madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed uu soo gaaray magaalada Baydhabo.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU

 


© RSTV 2006. All Rights Reserved