Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Guddoomiyaha Baarlamaan Sooomaaliya Shariif Xasan oo gaaray magaalada Nairobi.

Gudoomiyaha baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Nairobi, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Shariif Xasan ayaa waxa uu kasoo duulay Imaarada Dubai ee dalka isutaga Imaaraadka Carabta, halkaasoo dhawaanahan uu ku marayay socdaal kadib markii magaalada Khurtuum uu kaga qeyb galay shirka madaxda wadamada carabta.

Gudoomiyaha inta uu joogay Imaarada Dubai waxa uu wadahallo ku la yeeshay halkaasi amiirada dalkaas oo uu ka la hadlay xaalada dalka Soomaaliya iyo wax u qabsoomay dowladda tan iyo markii lagu soo dhasay magaalada Nairtobi muddo haatan laga jooga 2 sanadood.

Shariif ayaa waxa uu ballan qaadyo ka helay amiirada dalka isutaga Imaaraadka Carabta oo u yaboohay taageero in ay u fidin doonaan dowladda kmg ah ee Soomaalia oo ka heshiisay khilaafaadka yar yaraa ee u dhaxeeyay madaxda sar sare ee dowladda.

Sharif Xasan ayaa waxaa lagu wadaa inta uu joogo magaalada Nairobi in uu kulamo kula yeesho Nairobi wakiilo ka kala socda beesha caalamka iyo deeq bixiyayaasha oo uu kala hadli doono sida ay gacan uga gaysan karaan dib u dhiska dalka iyo dib u howl galinta hay'adaha qaranka ee burburay.

Gudoomiyaha baarlamanka ayaa waxaa la filayaa marka uu soo dhameysto howlihiisa in uu sida ugu dhaqsida badan dib uu ugu soo laabato magaalada Baydhabo oo ay kasoo cusboonaadeen ammaan darro iyo gadood ay sameynayaan maleeshiyooyinka lagu xareeyay iyo waliba soo afjarida xiisada ka dhalatay dil ay ka gaysteen maleeshiyooyinka Madaxweyne Yuusuf ee la dajiyay degmada Waajid.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU

 

© RSTV 2006. All Rights Reserved