Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Sarkaal ka tirsan Hay’ada DBG oo xalay lagu dilay inta u dhaxeysa Deegaanka Xaramka iyo Degmadka Jilib.

Wararka ka imaaniya degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe ayaa sheegaya sarkaal ka tirsan hay’ada DBG in uu geeriyooday 3 kale oo katirsan shaqaalaha hay’adaasna ay dhaawacmeen kagadaal markii maleeshiyaad hubaysan ay weerareen gaarigii ay la socdeen oo marayay inta u dhaxeysa deegaanka Xaramka iyo degmada Jilib.

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray C/qaadir Ciise Faracade ayaa waxa uu madax uga ahaa hay’adaas shaqaale howlo baaritaano ah ku hayay haamaha badda ay soo caarisay kal hore markii ay ku dhufatay duufaanta Tsunaami badweynta Indiya.

Maleeshiyooyinkan oo isbaaro u tiilay deegaanka lagu magacaabo Dhey Tubaako ayaa tacshiirad huwiyay gaarigii ay la socdeen shaqaalaha hay’adaas oo tiradoodu gaaraysay 4 qof, waxa ayna ka furteeb burcadaas wixii ay wateen oo qalab iyo lacag ahaa.

Warar aanu ka helnay degmada Jilib waxa ay sheegayaan in 3da qof ee ka tirsanaa hay’adaas ee ku dhaawacmay tacshiiradaas la dhigay cusbitalka degmada oo iminka lagu daweynayo.

Masuuliyiintan ka tirsan hay’ada DBG ayaa waxa ay shalay ka soo carraabeen magaalada Kismaayo oo ay kulamo kula yeesheen guddoomiyaha isbahaysiga dooxada jubba Barre Hiiraale iyo maamulkiisa, ayagoo kala hadlay maamulka isbahaysiga in ay u kuur galayaan haamanka baddu ay soo caarisay ee laga cabsi qabo in ay sub ku jirto, waxa ayna isla garteen in howshaad ay tahay mid ahmiyad gaar ah u leh dadka ku dhaqan jaziirada Kooyaame oo la sheegay haamahaas badda ay soo tuftay in ay garxan yihiin.

Waxgaradka ku dhaqan degmada Jilib ayaa wada dadaallo lagu soo qabanayo gacan ku dhiig layaashii gaystay falkaas waxashnimida ah oo lagu laayay masuuliyiinta hay’ada DBG oo ah hay’ad samafal oo laga leeyahay dalka Germany oo ka howl gasho dalka Soomaaliya, waxa ayna xarunteeda ugu weyn ku leedahay magaalada Muqdisho.

Maxamed Cadde.
Xafiiska RSTV ee Muqdisho.

 


© RSTV 2006. All Rights Reserved