Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Safiirkii Soomaaliya ee wadanka Jabuuti oo xalay geeriyooday.

Allaha u naxariistee Maxamed Saba oo ahaa safiirkii Soomaaliya u fadhiyey magaalada Jabuuti ee xarunta wadanka Jabuuti ayaa xalay ku geeriyoodey magaaladaasi.

Marxuumka oo ahaa safiirka Soomaaliya mudo aad u dheer ayaa labadii bilood ee ugu dambeysey wuxuu ku jirey Isbitaal ku yaal magaalada Jabuuti ka dib markii uu la soo darisey xanuunkan uu u geeriyoodey.

Amiin Sayid Axmed ah ku xigeenka safiirka oo saaka saxaafada Jabuuti la hadlay ayaa sheegay in Marxuumku xaley 2:30 galinka dambe uu ku geeriyoodey Isbitaalka, isla markaana isla maanta lagu aasay magaalada Jabuuti, iyadoo aaskiisa ay ka qayb galeen masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan xukuumada Jabuuti iyo waliba shacab aad u fara badan oo Soomaalida ah oo ku dhaqan wadanka Jabuuti iyo kuwa kale ee u dhashey wadankaasi.

 

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV NEWSROOM

 


© RSTV 2006. All Rights Reserved