|
Roobaabkii Xiliga Go'ga oo Ka
Curtay Dagaano ay Abaaro Ba'an ay ka jireen
Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in deegaano hoos taga
gobolka uu xalay ka curtay roobka Guga, kaasoo ay u hamuun qabeen dadka ku
dhaqan gobolka Gedo oo ay halakeesay abaaro horay u martay dadka iyo
duunyada.
Roobabkan mahiigaanka ah oo biyo dhigay dhowr deegaan oo ka tirsan
gobolka ayaa waxaa la sheegay in ay ka da'een toolooyin ay ka mid tahay
Fafacdhuun, ayadoo dadka ku nool gobolka ay si weyn ugu diirsadeen.
Roobabka Guga ayaa waxa ay sidoo kale shalay ka curteen deegaano hoos
taga gobolka Bakool oo isagana laga soo sheegayo abaaro aad u daran oo
salfaday dadka iyo duunyada.
Roobabka Guga ayaa horay uga curtay qeybo ka mid ah Jubooyinka oo ayagana
ay kajirto abaar daran.
Roobabkan oo qeyb libaax ka qaadanaya samata bixinta dadka iyo duunyada
ee ku tabaalaysan guud ahaan koonfurta Soomaaliya oo ay ku tabaalaysan ku
dhawaad 2 milyan oo ruux.
Todabaadkii hore ayay ahayd markii haya'ada QM u qaabilsan dhinaca
cunnada iyo beeraha (FAO) ay ka digtay in bil kasto ay macluul darteed ay
ugu dhiman doonaan dalka Soomaaliya ilaa 10,000 oo ruux, haddii aan gurmad
deg deg ah la la gaarin dadkaas.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU
© RSTV 2006. All Rights Reserved
|