Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Roobab sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka da’ay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

5 ruux ayaa ku geeriyootay inta la ogsoonyahay tiro kalena waa ayku dhaawacmeen degmada jalalaqsi ka dib markii saameyn xooggan uu ku yeeshay roob xoogan oo degmadaasi ka da’ay.

Shanta qof ee dhimatay ayaa 3 ka mid ay ah waxa ay ahaayeen caruur halka labada kalena haween waxaana intuba ay ka mid ahaayeen dadka ku nool guryaha guryaha coosahada ka samaysay.

Roobabka ka da’ay degmada Jalalaqsi ayaa waxa ay soconayeen muddo badan 24 saacadood oo xiriir ah sida ay RSTv u sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Dadkii ku waxyeeloobay roobabkii ka da’ay degmada jalalaqsi ayaa baaq u jeediyey hay’adaha samafalka waxaan a ay ugu baaqeen in ay lasoo gaaraan gargaar degdeg ah iyo waxyaabo ay kaga dugaalaan roobka.

Roobabka guga ee ka curtay gobolka Hiiraan iyo gobolada dalka ayaa kusoo beegmay xili wadanka ay saamaysay gaajo daran oo waxeeylo u geysatay dadka iyo duunyada.

 

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV NEWSROOM


© RSTV 2006. All Rights Reserved