|
Wasaarada gaashaandhiga oo usoo
bandhigtay golaha wasiirada qorshe dawladu ay kuu ciidamaynayso 12 kun oo
askari.
Kulankan golaha wasiirada dawlada federaalka KMG ah ee Soomaaliya ay ku
yeesheen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxaa lagu soo
bandhigey qorshe 12 kun oo askari dowlada ay ku qoranayso kuwaasi oo qeyb
weyn ka qaata nabad kusoo dabaalida Soomaaliya ayadoo ciidamadaasina qaab
beeleed lagu soo xulayo.
Wasiirka gaashaandhiga dawlada federaalka KMG ah ee Soomaaliya C/raxmaan
Maxamed Cali ayaa kulankaasi kusoo badnhigay qorshayaal amniga qaranka lagu
sugayo isla markaana lagu howlgalinayo ciidamadii qaranka si amaanka dalka
dib loogu soo celiyo.
Ra'iisal wasaare ku xigeenka dowlada federaalka ahna wasiirka iskaashiga
gobolada Ismaaciil Maxamuud Hure Buubaa ayaa kulankaasi ka dib saxaafada u
sheegay in wasiirka gaashaandhiga uu soo bandhigay qorshe amaanka dalka dib
loogus oo celinayo ayadoo dowlada ay qoranayso 12 askaro oo beelaha afarta
ahi mid waliba kaga soo aadaya 2,666 halka beesha shanaad la siinayo 1333 oo
askaro.
Sidoo kale kulankii maanta ayaa warbixino looga dhagaystay wasiirka
cadaalada dawlada federaalka Sheekh Aadan Madoobe iyo xildhibaan Maxamed
Ibraahim Xaabsade warbixin la xiriirta xaalada amaan ee gobolka Bay oo
maalimihii lasoo dhaafay u muuqday mid faraha kasii baxaya waxaana labadan
mas'uul ay golaha wasiirada u sheegeen in xaalada amaan ee Bay ay soo
hagaagayso isla markaana maleeshiyooyinkii hubeysnaa dib magaalada looga
saaray ayadoo lagu celiyey xeradii markii hore ay kasoo baxeen ee Daynuunay.
Maxamed Cadde.
Mogadishu
© RSTV 2006. All Rights Reserved |