Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

QM oo shegtay in bil walba Soomaaliya ay ugu geeriyoonayaan toban kun oo ruux gaajo darted haddii aan laga hortagin.

Hay’adaha gargaarka ee hoostaga QM ayaa shaaca ka qaaday macluusha ka jirta dalka Soomaaliya in ay gallaafan doonto 10,000 oo ruux bishiiba, haddii roobab ay si wacan u da’i waayaan sida ay muujinayso saadaalinta.

Hay’adaha Cunnada iyo beeraha u qaabilsan QM ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaano FAO ayaa sheegtay ku dhawaad 2 milyan oo ruux in ay soo wajahday abaar aad u daran, haddii roobabka la filayo ay u da’i waayaan sidii la rabay waxa ay taasi horseedi doontaa in ku dhawaad 9,000 oo ruux ay u geeriyoodaan macluul bisha September ee soo socota.

Masuulka FAO u qaabilsan howlaha bini aadanimo ee dalka Soomaaliya Garham Farmer oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in taasi ay ula jeedaan 10,000 ilaa 12,000 oo ruux in bil kasto ay gallaafan doonto abaartu.

Waxa uuna intaa ku daray “ma oranayno tiradaas ayaa geeriyoonaysa, balse waxaan oronaynaa taasi waa khatarta aan ka shaqeyno in laga fursado”.

Xafiiska QM ee isu duwida gar gaarka bini aadanimo ee Soomalaiya ayaa dhawaan laba jibaaray qeylo dhaantii lacageed ee uu dalbaday oo gaaraysa $327 milyan oo doolar, kadib markii baahida gar gaar uu sarakac ku yimid tan iyo bishii December ee kal hore, kolkaas oo uu dalbaday xafiiska lacag gaaraysa $170 milyan oo doolar.

QM ayaa sheegtay cunno xumada soo food saartay dadkaas in ay ugu wacan tahay maleeshiyooyinka iyo burcad badeeda oo boob u gaysanayay bilihii ugu danbeeyay raashinka gar gaarka.

Xiriiriyaha howlaha bini aadanimo ee QM u qaabilsan dalka Soomaaliya Cristian Baslev-Olesen ayaa sheegay dowlad la’aanta ka jirta dalka Soomaaliya in ay ka dhigtay xaalada nololeed ee dalka Soomaaliya mid aad u qallafsan.

Balsev-Olesen oo ka hadlayay cudurka dabaysha oo mar kale dib looga helay dalka Soomaaliya iyo dhimashada ay sababaan cudarada jadeecada iyo dhiig yarida iyo cuno xumada ayaa waxa uu tilmaamay in abaaraha ku dhuftay dalka Soomaaliya ay xaalada nololeed ee ka jirta ay ka dhigtay mid aad u cakarin.

“haddii aan saacidi weyno dadka abaaruhu ay hayaan waxa ay taasi saameyn daran ku yeelanaysaa geedi socodka nabada Soomaaliya” ayuu yiri balsev-Olesen xiriiriyaha gar gaargka bini aadanimo u qaabilsan QM dalka Soomaaliya.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU

 

© RSTV 2006. All Rights Reserved