Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Isbahaysiga argagixiso la dirrska oo kulan saacado dheer qaatay ka dib isku waafaqay in Cabdi Qeybdiid lagu soo biiriyo xubnaha isbahaysigaasi.

 Isbahaysiga la dagaalanka argagixisada ee ay isku gaashaan buursadeen hogaamiye kooxeedyada dagaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi oo saacado qaatay waxa ay ku yeesheen xarunta wasiirka amniga qaranka uu ku leeyahay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho .

Kulankan oo irdaha ay u xirnaayeen ayaa gabagabadiisii waxaa laga soo saaray warmurtiyeed wada jir ah oo xubnaha isbahaysiga ee kulanka yeeshay ay soo saareen waxaana warmurtiyeedkaasi saxaafada u aqriyey afhayeenka isbahaysiga la dagaalanka argagixisada Xuseen Guutaale Raage iyo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo isbahaysiga haatan lagu biiriyey. Xusee n Guutaale ayaa saxaafada u sheegay in xubnaha isbahaysiga ay isku raaceen in Qeybdiid laga dhigo xubin joogto ah oo muhiim oo ka tirsan isbahaysiga ayadoo Cabdi Qeybdiid uu noqonay xubintii 11-aad ee isbahaysigaasi ku biirta.

Qeybdiid oo isna saxaafada la hadlay ayaa muujiyey sida uu ugu faraxsanyahay kusoo biiridiisa isbahaysiga waxaana uu balanqaaday in uu si hufan uu ula shaqeyn doona isbahaysiga la dagaalanka argagixisada.

Si kastaba ha ahaatee kulankan saacadaha qaatay ee ay yeesheen isbahaysiga la dagaalanka argagixisada ayaan la ogeyn waxyaabaha dhabta ah ee looga hadlay marka laga reebo in saxaafada ay usoo gudbiyeen in kulankooda ay ku ansixiyeen in Qeybdiid uu kusoo biiro laakiin waxaa la isweydiinayaa waxyaabaha dhabta ah ee looga hadlay kulankan oo socday muddo ka badan 10 saacadood laakiin warar soo

baxaya ayaa sheegaya in xubnahan ay ka arinsadeen sidii ay isaga rogi lahaayeen boorka ku dhagay ka dib markii dharbaaxo kulul ay kasoo wajahday ciidamada maxaakimta islaamiga ah ee gobolka Banaadir oo ayago labo jeer afka ciida u daray.

 

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV NEWSROOM


© RSTV 2006. All Rights Reserved