|
Gudoomiyaha haatan ee gobolka Bay
oo shaaca ka qaaday in uu u sharaxan yahay xilka gudoomiyenimada gobolka
bay.
Ninka imika haya Gudoomiyanimada Maamulka Gobolka Baay Maxamed Cali Aadan
(Qalinle) ayaa Maanta sheegay inuu mar kale isusoo taagayo Jagadaasi xili ay
dhawaan Xukuumaddu qorsheynayso in la qabto tartanka Gudoomiyanimada
Maamulka Gobolkaasi oo haatan xarun uah Baarlamaanka iyo xukuumada
Soomaaliyeed.
Mr qalinle ayaa Saxaafada usheegay inuu Diyaariyey waxqabadkiisii tan iyo
intii uu qabtay Jagada Gudoomiyanimada Gobolka Baay isagoo beeniyey inuu
yahay Mas'uul wax qaban waayey balse ku Magacaaban Maamulka Gobolka.
''Madoonayo inaan is faaniyo laakiin Dadweynaha ayaa ogaal badan iyagaa
la weydiinayaa Waxii aan bulshada Reer Baay uqabtay,Xili ay dawlad la'aani
jirtay ayaan jagadan qabtay waana hayey hada oo ay dawladi jirto waxaan
rajeynayaa inaan sii labanlaabo dadaalkeyga''ayuuyiri Gudoomiye qalinle oo
ku faraxsan usoo guurista ay Magaalada Baydhabo ee Mudanayaasha Baarlamaanka.
Waxaa kaloo jira xubno kale oo fara badan oo isusoo taagay jagadaas
kuwaasoo iska diiwaan geliyey xafiiska Raisalwasaaraha ee Magaalada baydhabo
sida uu sheegay Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo intaasi ku daray
iney dadka isasoo sharaxay isugu jiraan rag iyo dumar Reer Baay ah.
Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV NEWSROOM
© RSTV 2006. All Rights Reserved |