Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Museveni oo ugu baaqay Qaramada midoobay in ay qaaxayiraada hubka ee saaran Soomaaliya si nabada Soomaaliya loo soo celiyo.

Madaxweynaha dalka Yuganda Yuweru Musaveni ayaa ugu yeeray Jimciyada qurumaha ka dhaxaysa in ay qaado xayiraada hubka ee saaran wadanka Soomaaliya si ay usuuro gasho in nabada dib loogu celiyo wadanka Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Yuganda ayaa sheegay in muhiim ay tahay in caalamka oo dhan  uu iska kaashado amaan kusoo dabaalida Soomaaliya iyo ciidamo u dirista wadankaasi oo muddo ka badan 15 sano ay ku amar taaglaynayaan maleshiyooyin hubeysan oo hoos taga qabaa’ilka isagoo shaaca ka qaaday in muhimada ciidamada loo dirayo Soomaaliya ay tahay hub ka dhigista maleeshiyaadka iyo ilaalinta qeybaha muhiimka ah ee dalka sida dekedaha iyo garoomada dayaaradaha.

Museveni oo wareysi siiyey idaacada BBc-da qeybta afka sawaaxiliga ku hadashaayaa sheegay in howlaha wadamada Soomaaliya arimaheeda daneeya ay Soomaaliya ka fulin lahaayeen ay hortaaganyihiin xayiraadaha Qaramada midoobay ay saartay Soomaaliya ka dib markii meesha ay ka baxday xukuumadii dhexe ee Soomaaliya.

Hadalka Museveni ayaa kusoo beegmaya xili ra’isalwasaaraha dowlada kmg ah ee Soomaaliya uu dhawaan sheegay in laga maarmo ciidamo nabad ilaalineed oo Soomaaliya la keeno isagoo sheegay in dowladiisu ay qalabaynayso ciidamo haatantababar ugu jira.

 

 

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho

 


© RSTV 2006. All Rights Reserved