Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Midowga maxaakiimta islaamiga ee gobolka Banaadir oo iska fogeeyey in wax lug ah ay ku leeyihiin waraaqo xalay lagu daadiyey Muqdisho.

Midowga maxaakimta islaamiga gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in aysan wax shaqo ah ku lahayn waraaqo xalay lagu daadiyay magaalada Muqdisho, kuwaasoo lagu soo qoray magaca midowga maxaakimta islaamiga gobolka Banaadir.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo warbaahinta Muqdisho ayaa caddeeyay waraaqahaasi in ay ahayeen kuwa been abuur ah oo ay soo dhoodhoobeen isbahaysiga oo ayagu doonaya in ay marin habaabiyaan shacabka Soomaaliyeed, kadib markii ay ku hungoobeen soo jiidashada shacabka Soomaaliyeed oo u arkay isbahaysiga mid khatar ku ah diintiisa iyo dalkiisa.

Sheekh Shariif waxa uu carabka ku dhuftay in midowga maxaakimta islaamiga gobolka Banaadir aysan wax lug ah ku lahayn waraaqahaas, lagana been abuurtay, isagoo xusay in ay indhoweydba isha ay ku hayeen waraaqahaas ay ku howlanaayeen, balse ay sugayaan sida ay noqonayso natiijada.

“waraaqaha xalay lagu daadiyay magaalada Muqdisho ma ahan kuwo maxaakimtu ay wax lug ah ku leeyihiin, waxaa soo dhoodhoobay isbahaysiga oo ku hungoobay riyadoodi ahayd in ay soo jiitaan shacabka, markii ay waayeena waxa dani biday in magaca maxaakimta islaamiga ay kusoo gabadaan” ayuu yiri Sheekh Shariif oo intaa ku daray “waanu ka war qabnay waraaqahaas, laakin waxaanu sugaynay natiijada waraaqahaas iyo waxa ay xanbaarsan yihiin”.

Guddoomiyah midowga maxaakimta islaamiga gobolka Banaadir waxa uu tilmaamay wajigan cusub oo ay la soo baxeen isbahaysiga shisheeye kalkaalka in uu muujinayo sida ay uga quusteen taageerada shacabka oo ka dharagsan qorshahooda gurracan oo ay ku mijo xaabinayaan diinta iyo dalka.

Hadalka Sheekh Shariif waxa uu ka danbeeyay kadib markii xalay lagu daadiyay magaalada Muqdisho waraaqo lagu soo qoray magaca midowga maxaakimta islaamiga gobolka Banaadir, kuwaasoo marka hore uga mahad celinaya shacabka Soomaaliyeed sida ay u gacan siiyeen maxaakimta islaamiga, marka xigana ku amraya in la qaado jidgooyooyinka ay dhigteen dhalinyaro xaafadeedka ee yaalla wadooyinka dhex mara magaalada Muqdisho iyo wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye, waxaana falkaas nacasnimada ah ku xanbaaray isbahaysiga isku magacaabay la dagaalanka argagixisada dhibaato adag oo ka soo wajahday dhinaca ku socdaalida wadooyinka magaalada Muqdisho oo ay xirteen dhalinyaro xaafadeed ka dhiidhinaya meel kadhaca loo gaystay diintooda iyo culamaa’uddiinka.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWS ROOM
Xafiiska Muqdisho.


© RSTV 2006. All Rights Reserved