Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Markab laga leeyahay Koonfurta Korea oo laga Af duubtey Badda Soomaaliya

Markab laga  leeyahay waddanka Korea ayaa waxaa qafaashey burcad Badeed Soomaali ah, Buracaddaas oo wadatey laba Doonyood oo ah kuwa dheereeya ayaa waxay si kadis ah u weerareen Markabkaas.

Markabkan oo ah nooca kulluumeysiga waxaa lagu magacaabaa The Dongwon-ho 628 waxaana la socdey 25 qof oo ka shaqeyneysey. Wararku waxay sheegayaan in  Maraakiibta dagaalka ee Mareykanka iyo kuwa Holland oo iyagu isku dayey inay ka badbaadiyaan Burcadda Markabka ay dib uga laabteen ka dib markii Burcaddu ay Shaqaalihii qoryo ku qabteen taasina laga baqey inay waxyeello gaarsiiso shaqaalaha Markabka.

Markabkan oo culeyskiisu dhan yahay 361-tonn.waxaa la socdey shaqaale tiradoodu dhantahay 25 ruux oo u kala dhashey 9 Indonesia, 8 South Korea, 5 Vietnam, 3 Shiinaha.

Karkabkani waxaa uu marayey Meel ka baxsan Xeebaha soomaaliya markii ay Burcaddu halkeeshey, sida muuqatana waxay Burcaddu Dalbatey Lacag madax fuarsho ah. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee K/Kuuriya ma aanay sheegin in la bixiyey wax lacag ah oo lasiiyey Buracadda waxayse caddeysey in dhammaan shaqaalihii markabku ay hadda badqabaan.

Xeebaha Soomaaaliya ayaa hadda waxaa lagu Tilmaamaa inay tahay Meelaha Adduunka ugu Khatarsan kadib Markii si isdaba joog ah loogu waxyeeleeyey Maraakiib badan oo socoto kui mareysay Gobolkaas.

 

RSTV NEWSROOM
ROCHESTER, MN


© RSTV 2006. All Rights Reserved