Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Mareykanka oo beeniyey war dhawaan kasoo yeeray Ra’isalwasaare Geedi oo ku aadanaa in dowlada kmg ah ay kula heshiisay Mareykanka ilaalinta xeebaha Soomaaliya.

Sarkaal sare oo xubin ah taliska ciidamada Mareykanka ee ku sugan wadanka Baxreyn ayaa sheegay in warkii dhawaan kasoo yeeray ra’isalwasaaraha dowlada federaalka kmg ah ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ee ku saabsanaa in dowladiisa ay kula heshiisay Mareykanka ilaalinta xeebaha Soomaaliya uu yahay mid aan sal iyo raad toona aan lahayn.

Sarkaalkan ka tirsan taliska ciidamada Mareykanka ee wadanka Baxreyn isla markaana ah afhayeenka ciidamada Mareykanka ee halkaasi ku sugan Col. Charle Brown ayaa sheegay in howlgala ay ka fuliyeen xeebaha wadanka Soomaaliya ay yihiin kuwa iskood uun ay fulinayaan isla markaana uusan jirin heshiis arintaasi ku saabsan oo ay la galeen owlada federaalka kmg ah ee Soomaaliya.


”Howlada aan ku ilaalinaydo xeebaha Soomaaliya ma ahan haatan bilowday sida aad la socotaanba waxaan bilownay howlgalada xeebaha Soomaaliya aan ku ilaalinayno horaantii 2002” ayuu yiri Col. Charle Brown.


Horey ayaa ra’isalwasaaraha kmg ah ee Soomaaliya Prof.Cali Maxamed Geedi waxa uu u sheegay in xukuumadiisu ay heshiis ku aadan ilaalinta xeebaha Soomaaliya la gashey xukuumada Mareykanka.

 

 

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho
RSTV NEWSROOM

 


© RSTV 2006. All Rights Reserved