|
Salad Cali jeelle oo shaaca ka
qaaday in Somaliland iyo Puntland loo samayn doono maamul goboleedyo hoos
imaada dowlada federaalka.
Wasiirku xigeenka wasaarada warfaafinta ee Dawladda federaalka Soomaaliya
Salaad Cali Jeele ayaa Maanta sheegay in Gobolada Waqooyi ee lamagacbaxay
Soomaaliland ay ku jiraan Gobolada ay dawlada Federaalku Maamulo usameyn
doonto isagoo Gaashaanka ku dhiftay in Maamulka Daahir Rayaale ay yihiin
Xukuumad Gooni la ictiraafsan yahay.
Wasiirkuxigeenka oo Maanta hadalkan jeediyey markii uu dhamaaday kulankii
Golaha Wasiirada ayaa intaasi ku daray inaaney jirin wax la yiraahdo Gooni
isutaag balse uu jiri karo Maamul jiray intii ay Soomaaliya dawlad la,aanta
aheyd.
''Majirto cid aqoonsatay Maamulka waqooyi ka jira waxayna hoos yimaadiin
Jamhuuriyada Soomaaliya ,hade xukuumadu waxay soo dhisi doontaa Maamul ku
saleysan rabitaanka Shacabka degan Gobol waliba iyaga ayaana soo dooran
doona Hogaanka Gobolkooda''ayuuyiri Salaad Jeele oo Cadeeyey in Xeerka
Maamulka Gobolada ay Wasiirada Xukuumadu wadaan dhawaana loo gudbin doono
Golaha Baarlamaanka.
Mr Salaad ayaa sidoo kale qirtay inaaney Xukuumadu Gacanta kuwada heynin
gobolada dalka oo dhan isagoo arintaana ku tilmaamay mid Culeyskeeda leh
dhalisayna inuu dheeraado Kulanka Golaha wasiiradu ay kaga doodayaan arinta
Maamulo loo dhiso Gobolada dalka.
Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV NEWSROOM
© RSTV 2006. All Rights Reserved |