Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Maleeshiyooyin hor leh oo taabacsan madaxweynaha Soomaaliya oo wata gawaari dagaal oo Xudur soo gaaray.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyooyin hubeysan oo hor leh oo taabacsan madaxweynaha dowlada federaalka kmg ah ee Soomaaliya ay magaaladaasi soo gaareen.

Maleeshiyooyinkan Xudur soo gaaray oo watay 9 gaari oo kuwa dagaalka ah ayaa waxa ay kasoo kicitimeen dhanka Puntland waxaana ciidanka wehliyey booyad kuwa biyaha qaada ah ayadoo maleeshiyaadkan ay ka mid noqon doonaan kuwo uu leeyahay madaxweynaha oo haatanba ku sugan magaalada Waajid ee isla gobolka

Imaatinka maleeshiyaadkan ee Xudur ayaa kusoo beegmaysa xili maleeshiyooyinka madaxweynaha iyo kuwa deegaanka ay xiisad ka dhex aloosantahay taasi oo ka dhalatay markii ciidanka madaxweynaha ay dil u geysteen qaar ka mid ah maleeshiyaadka deegaanka.

Dadyowga ku dhaqan magaalada Xudur ayaa walwal ka qaba imaatinka maleeshiyooyinkan ayagoo ku doodaya in laga yaabo in xiisad hor leh ay ka dhex dhalato maleeshiyooyinkan iyo kuwa deegaanka ku sugan.

Dhinaca wararka naga soo gaaraya magaalada Xu dur ayaa sheegaya in xalay habeenkii gobolka Bakool ay usoo talbeen ciidamo Itoobiyaan ah oo kasoo gudbay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ay wadaan.

Lama garanayo imaatinka ciidanka Itoobiyaanka ah ee gobolka Bakool laakiin warar ayaa sheegaya in ciidankan ay baadi goob ugu jiraan kooxo ciidanka Itoobiyaanka ahi doondoonayaan.

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV NEWSROOM


© RSTV 2006. All Rights Reserved