|
Maleeshiyooyin taabacsan wasiirka
ganacsiga oo dhibaatooyin ka geysanaya xaafada Faanoole ee degmada Kaaraan.
Dadka ku dhaqan xaafada Faanoole ayaa ku eedeeyay maleeshiyaadka
isbahaysiga la dagaalanka argagixisada in ay xaafadooda ka Gaysteen falal
isugu jira dil, dhac, argagixin iyo falal kale oo xadgudub ku ah xuquuqda
aadanaha.
Maleeshiyaadkaasi oo shalay qabsaday xaafadaasi ayaa shalay ku dilay
halkaasi nin oday ah oo caanka ahaa xaafadaasi, oo xiliga la dilayay ku
sugnaa dhismo uu deganaa oo ka mid ahaa dhismayaal ay lahaan jireen
maariiniska Soomaaliyeed oo garabka ku haya xaruntii hore ee dugsiga hoose
dhexe ee Godey.
Xaaji Cumar oo kamid ah dadka ku dhaqan xaafada ayaa sheegay in
maleeshiyaadka ay ka qaateen guriga ninkaasi bistoolad, waxa uuna tilmaamay
in maleeshiyaadka isbahaysiga ay jabsadeen xarumaha ganacsi iyo guryaha laga
barakacay oo ay la haayeen dadka deegaanka.
Wasiirka ganacsiga oo xubin ka ah isbahaysiga argagixiso la dirirka ayna
ka amar qaataana inta badan maleeshiyaadkii qabsaday deegaankaasi ayaa ku
amray gellinkii danbe ee shalay in maleeshiyaadka isbahaysiga ay kasoo
baxaan deegaanka, kadib markii dadka deegaanka ay bilaabeen in ay is
abaabulaan, isla markaana ay u yeertaan beeshooda si ay isaga dhiciyaan
maleeshiyaadkan yeyda ah ee xaalufinaya deegaanka.
Warar ku dhaw isbahaysiga ayaa sheegaya in isbahaysiga uu ergo u diray
beesha uu ka dhashay odayga la dilay, si ay uga la xaalaan dilkii foosha
xumaa ee lagu la kacay odaygaasi oo ahaa nabadoon si weyn looga yaqaano
deegaanka.
Xaalada deegaanka ayaa aad u kacsan, ayadoo inta badan dadka ku dhaqan
xaafada Faanoole ay aad u hadal hayaan sababaha loo dilay odaygaasi iyo
ujeedada ka danbeysa dhaca iyo boobka baahsan ee loo gaystay deegaankooda,
waxa ayna kuu sheegayaan marka aad la hadasho in dilkaasi uu ahaa mid
qorsheysan oo ay wax ka ogaayeen xubnaha isbahaysiga.
Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV NEWSROOM
© RSTV 2006. All Rights Reserved |