|
Maleeshiyooyinka xaafada Barmuuda
gacanta ku haya oo sheegay in waddada Maka Almukaramah aysan adeegsan karin
ciidamada isbahaysiga la dagaalanka argagixisada.
Maleeshiyooyin horey uga mid ahayd ciidamada wasiirka ganacsiga dowlada
federaalka kmg ah ee Soomaaliya oo ku sugan xaafada Barmuuda ee degmada
Hodan ayaa maanta ku dhawaaqay in wadada hormarta wadada caanka ah ee Makka
Almukaraman aysan adeegsan karin ciidamada isbahaysiga la baxay la
dagaalanka argagixisada . Maleeshiyooyinkan ku sugan xaafada Barmuuda ee
degmada Hodan ayaa sheegay in wadadaasi in aysan ahayn waddo u furan
ciidamada isbahaysiga waxaana ay sheegeen in ay ka hortagayaan haddi
maleeshiyooyinka isbahaysigaasi ay isku dayaan in awood ay ku maraan.
Hadalka kasoo baxay maleeshiyooyinkan deegaanka ayaa yimid ka gadaal
markii maanta iska hor imaad uu ka dhacay xaafadaasi gaar ahaan wadada
hormarta guriga shaqaalaha kaasi oo u dhaxeeyey maleeshiyooyinka deegaanka
iyo gaari oo dagaal oo la sheegay in ay lahaayeen xubnaha isbahaysiga la
baxay la dagaalanka argagixisada.
Maleeshiyooyinkan ayaa ku sheegay tallaabta wadadan ay u xiraan in la
xiriirto balan ka bax uu ku sameeyey isbahaysiga la dagaalanka argagixisada
ayagoo sheegay in isbahaysiga ay ku sugayeen dhaqaale laakiinse uu ku
wargeliyey goor danbe inuusanba wax u ahayn.
Tallaabtan maleeshiyooyinkan ay uga xireen wadada ay gacanta ku hayaan
ayaa qeyb ka ah tallaabooyin dhowr ah oo Muqdisho ka socda oo la doonayo in
lagu cunaqabateeyo isbahaysiga sheegtay inuu argagixisada la dagaalamayo.
Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
© RSTV 2006. All Rights Reserved |