Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Maleeshiyooyinka ganacsade Ilqeyte oo maanta dad ku laayey isgoyska KM4.

Warar naga soo gaaray isgoyska KM4 ayaa waxa ay sheegayaan 3 qof oo rayid ah in ay geeriyoodeen 4 kalena ay ku dhaawacmeen, kadib markii maleeshiyooyin ka amar qaata C/rashiid Shire Ilqeyte oo xubin ka ah isbahaysiga la dagaalanka argagixisada ay rasaas ooda uga qaadeen gaari ay lahayd warshada biyaha caafi .

Shilkan 3da qof ee geeriyootay oo dhamaantood ahaa dad rayid ah ayaa waxaa lagu soo warrmayaa in ay ugu wacneyd maleeshiyooyinka isbahaysiga ee kusugnaa isgoyska KM4 oo weydiistay gaariga warshada Caafi lacago baad ah, taasoo ay ka biyo diideen maleeshiyooyinkii ilaalada ka ahaa gaarigaas.

Maleeshiiyooyinka C/rashiid Ilqeyte oo gacanta ku haya isgoyska KM4 ayaa waxa ay aad u adkeeyeen amaanka isgoyska KM4 iyo nawaaxigiisa, ayadoo taasina ay ugu wacan tahay wafdi shisheeye ah oo isugu jira Mareykan iyo Yahuud oo maalintii khamiista ka soo degay garoonka Jaziira ee duleedka Muqdisho sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay oo laga helay dadka kudhaqan agagaarga Hotelka Saxafi oo la dejiyay wafdigaas.

Falkan argagaxa leh ayaa yimid xilli inta badan wadooyinka muhiimka ah ee dhex mara magaalada Muqdisho ay u xiran yihiin dhalinyaro xaafadeed is abaabulay oo ka soo horjeeda isbahaysiga sharta iyo shaydaanka.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU

 

© RSTV 2006. All Rights Reserved