Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Maleeshiyooyin maanta is hortaag ku sameeyey kulankii golaha wasiirada.

Warar naga soo gaaray magaalada Baydhabo ayaa sheegaya maleeshiyooyin ka amar qaata RRA-da in ay maanta qabsadeen hoolka shirarka ADC oo maanta ay ku ballan sanaayeen golaha wasiirada dowladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya sida uu sheegay wariye ku sugan magaalada Baydhabo.

Wararka waxa ay intaa kudarayaan in Maleeshiyooyinkan gadoodsan ay horjoogsadeen xubnaha golaha wasiirada oo maanta kulan lahaa xarunta ADC, ayadoo taasina ay si weyn uga xumaadeen xubnaha dowladda ee ku sugan magaalada Baydhabo.

Maleeshiyooyinkan qabsaday ADC oo ka tirsanaa ilaalada dhismahaas ayaa arimahan ugu kacay dhibaato dhanka nolosha ah oo soo wajahday taasi oo ku xanbaartay in ay ku kacaan gadoodkan oo curyaamiyay kulamada dowladda.

Masuuliyiinta RRA-da ayaa waxaa lagu soo warrmayaa in ay soo dhex galeen arrinta, isla markaana ay kulamo la leeyihiin masuuliyiinta maleeshiyooyinka ku dhaqaaqay gadoodka.

Falkan xanibaada ah ayaa kusoo beegmay xilli madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu soo gaaray shalay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, ayadoo falkan uu muujino amaan darrada ka taagan magaalada Baydhabo oo ay ku soo badanayaan falal kharbudaad, dhac iyo boob isugu jira.

Guddiga nabad gelyada magaalada Baydhabo ee uu madaxda ka yahay Aadan Saransoor ayaa waxaa la filayaa in uu warbixin kasoo saaro fatqalalada maanta ka dhacday magaalada Baydhabo, taasoo sumca darro ku riday masuuliyiinta kasoo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle.

Si kastaba ha ahaatee gadoodka maanta lagu qabsaday xarunta ADC ee magaalada Baydhabo ayaa qeyb ka ah falal amaan darro ah oo ay indhoweyd ku kacayeen maleeshiyooyinka RRA-da ee gacanta ku haya amaanka magaalada Baydhabo iyo masuuliyiinta dowladda.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU

 

© RSTV 2006. All Rights Reserved