Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Yuweri Museveni oo ka digay xaalada nabadgelyo ee Soomaaliya hadii aan la taageerin qorshaha ay ciidamo ugu dirayaan Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni oo ku qaabilay xaruntiisa madaxtooyada ayaa ugu baaqay Mareykanka iyo reer Gabeedka in ay taageeraan hindisaha urur goboleedka IGAD ee la xiriira nabad ku soo dabaalida dalka Soomaaliya.

Sida uu qoray wargayska Sunday Vision ee kasoo baxa dalka Uganda madaxweyne Moseveni waxa uu u sheegay wafdigii milatiri oo ka socday ciidamada huwanta ah ee ka howl gala xeebaha bariga afrika in looga fadhiyo reer galbeedka ay garwaaqsadaan in afrikanka uu dhibaatadiisa xal ka gaari karo, haddii ay midoobaan, isagoo tusaale usoo qaatay dalka Brundi oo iminka xasilooni ka jirto kadib markii ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda wadamada jaarka la ah loo diray,nabadna ay ka aslaaxiyeen.

Madaxweyne Moseveni waxa uu xusay xasilooni ka aslaaxda dalka Soomaaliya in ay tahay guul usoo hoyatay gobolka, waxa uu carabka ku dhuftay in reer galbeedka dhinaca maaliyada ay ka taageeraan ciidama nabad ilaaliyaal ah oo loo soo diro dalka Soomaaliya.

“waxaanu u baahanahay ciidamo caawiya dowladda Soomaaliya si looga hirgeliyo Soomaaliya dowlad la mid ah tii dalka Brundi aanu ka hirgelinay” ayuu yiri Yaweri Moseveni oo intaa raaciyay “waxaan aaminsanahay in arrintaasi si dhaqsi ah looga mira dhalin karo, hogaamiye kooxeedkii ka hor yimaadana waa in cadaadis xoogan la saaro”.

Madaxweynaha dalka Uganda Yaweri Moseveni oo bishii laga soo gudbay talada urur goboleedka IGAD ku wareejiyay madaxweynaha dalka Kenya Muwai Kipaki ayaa ku tilmaamay xasilooni darrada ka jirta dalka Soomaaliya ee gallaafanaysa dadka Soomaalida ah in ay la mid tahay xasuuq, waxa uuna intaa ku daray in ay habboon tahay in wax laga qabto dhibaatada haysata shacabka Soomaaliyeed.

Dalka Uganda iyo dalka Suudaan ayaa waxa ay horey u ballan qaadeen ciidamo nabad ilaalin ah in ay usoo dirayaan dalka Soomaaliya, taasoo markii danbe dib u dhac uu ku yimid kagadaal markii xubnaha dowladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya ay isku maan dhaafeen ciidamo shisheeye oo loo soo diro dalka Soomaaliya.

Hadalka Moseveni ayaa kusoo beegmaya xilli ra’iisal wasaaraha dowladda kmg ah ee Soomaaliya Cali Max’ed Geeddi uu sheegay dalkiisa in uusan iminka u baahnayn ciidamo shisheeye, isla markaana mudnaanta 1aad uu siinayo ciidanka xoogga Soomaaliyeed.

Maxamed Cadde
RSTV NEWSROOM
Xafiiska Muqdisho.


© RSTV 2006. All Rights Reserved