|
Hogaamiyaha Shiinaha ayaa
booqasho ku jooga dalka Mareykanka Hogaamiyaha Shiinaha Hu
Jintao ayaa booqasho ku yimid Mareykanka, booqashadan oo qaadan doonta muddo
4 maalmood ah ayaa ay kaga wadahadli doonaan madaxweynaha mareykanka arrimo
ay ka mid yihiin habka ganacsiga Adduunka. Hu jintao socdaalkiisa waxaa uu
ka billabey magaalada Seattle ee gobolka Washington oo ku yaalla galbeedka
mareykanka halaasi oo xarun u ah Shirakadda Microsoft iyo shirkadda kale
Boeing ee diyaaradaha sameysa waxaana uu kulamo ku saabsan ganacsiga
la yeelanayaa madaxda shirkadahaas. Markaa ka dib hogaamiyaha shiinuhu
waxaa uu u gudbi doonaa Magaalada Washington DC waxaana uu la kulmi
doonaa madaxweynaha Mareykanka George Bush. Labada masuul waxaa diiradda
saarayaan sii xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dal iyo ganacsiga waxaa
kale oo ay isla soo qaadi doonaan arrimaha Adduunka ka taagan sida W/Kuuriya
iyo Iiraan oo labaduba arrintooda Nuclear-ka ay muran dhalisey.
Hogaamiyaha shiinuhu waxaa kale oo uu hadal ka jeedin doonaa Jaamacadda lagu
magacaabo Yale isagoo ka warbixin doonaa waddankiisa iyo arrimaha aduunka
waxaa halkaas laga yaabaa in ay ardaydu su'aalo ku weydiiyaan . Dalweynaha
Shiinaha ayaa hadda u muuqda inuu meel sare ka marayo hawlaha ganacsiga
Adduunka taasi oo keentey in inuu si muuqata ula tartamo dalal
badan oo horumarey. Abdifatah M. Abdinur
RSTV NEWSROOM
MINNESOTA
© RSTV 2006. All Rights Reserved |