Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Madaxweynaha Soomaaliya oo socdaal caafimaad ugu duulay magaalada London.

Madaxweynaha dawladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta u duulay magaalada London ee xarunta wadanka Ingiriiska, halkaasoo uu ugu ambabaxay baaritaan caafimaad sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo oo aanu ka helnay magaalada Nairobi.

Madaxweyne Yuusuf ayaa ka hor intii uusan ka duulin magaalada Nairobi waxa uu kulan la qaatay wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta Barre Hiiraale. Kulanka dhex maray labada masuul oo aan saxafiyiinta loo ogolaan ayaa wararka qaar ee laga helayo masuuliyiinta ku dhaw dhaw labada dhinac waxa ay sheegayaan in ay kawada hadleen sidii maleeshiyooyin loo tababarayo ciidanka xoogga dalka in laga uruuriyo gobollada jubooyinka, taasoo madaxweynaha iyo xubno ka soo jeeda gobolladaasi oo ku kulmay magaalada Baydhabo ay isku raaceen in laga uruuriyo gobolka Jubbada dhexe.

Labada masuul ayaa sidoo kale kawada hadlay hannaanka dawladda ay awoodeeda ugu ballaarin karto guud ahaan dalka, maadaama iminka ay ku eg tahay magaalada Baydhabo.
 

 

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho
RSTV NEWSROOM


© RSTV 2006. All Rights Reserved