Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka codsaday dowlada Ingiriiska ay qeybteeda qaadato dadaalada la doonayo in lagu qaado xayiraada hubka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlada federaalka kmg ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed oo haatan howl caafimaad u jooga wadanka INgiriiska ayaa ka codsaday dowlada Britein in ay taageero dhaqaale,mid amaan iyo siyaasadeed u fidiso xukuumadiisa si dowlada u madaxda ka yahay ay ugu suuro gasho in wadanka ay faraha ku dhigto isla markaana howlaheeda ay uga fuliso .

Madaxweyne Yuusuf ayaa hadalkan sheegay ka dib kulna uu magaalada London kula qaatay sarkaal sare oo ka tirsan wasaarada arimaha dibada Ingiriiska oo lagu magacaabo Lord Devid ,waxaana madaxweynaha Soomaaliya uu ka codsaday sarkaalkan in xukuumada Ingiriiska ay kaalin libaax leh ay ka cayaarto sidii loo qaadi lahaa xayiraada hubka ee lagu soo rogay Soomaaliya tan iyo markii meesha ay ka baxday dowladii dhexe ee Soomaaliya isla markaana wadanka uu faraha u galay hogaamiye kooxeedyo danahooda kaliya fiirsanaya sanadii 1993-dii .

Mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa sheegay in haatan dowladiisa ay xareysay maleeshiyooyin tiradoodu ay gaarayso 7,000 oo askari kuwaasi oo la doonayo in ay qeyb ka qaataan sugida amniga iyo soo celinta amarka iyo kala danbeynta laakiin madaxweynuhu waxa uu isweydiiyey sida ay ku suurtoobi karto hubeynta iyo qalabaynta ciidankaasi inta ay jirto xayiraadaasi saaran Soomaaliya.

C/laahi Yuusuf Axmed ayaa sheegay inuu ku rajo weyn yahay in Britein ay kaalin mug leh ka qaadan doonto sidii dowladiisa ay u noqon lahayd mid wax tarta bulshada Soomaaliyeed oo muddo ka badan 15 sano ku jirey dagaalo iyo fowdo.

Dalabka madaxweynaha ayaa yimid ka gadaal markii dowlada kmg ah ee Soomaaliya ay ciidamo ballaaran isugu geysay duleedka magaalada Baydhabo iyo qeybo ka mid ah gobolka Bakool.

 

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV NEWSROOM

 


© RSTV 2006. All Rights Reserved