|
Madaxweynaha Soomaaliya oo
Baydhabo dib ugu soo laabtay .
Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa
sheegaya in magaaladaasi maanta ay dib ugu soo laabteen wafdi ballaaran uu
horkacayo madaxweynaha dawlada KMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed
kuwaasi oo kasoo duulay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Xubnaha labada gole ee ku sugan magaalada Nairobi,mas'uuliyiinta gobolka iyo
dadweyne aad u fara badan ayaa madaxweynaha iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyey
magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Madaxweynaha iyo wafdigii la socday ayaa ka cudur daartay in wax war ah ay
siiyaan saxaafada laakiin waxa ay sheegeen in marka ay nastaan ay dhiibi
doonaan faahfaahin ku saabsan socdaalkii ay ku tageen magaalada Nairobi ee
xarunta dalka Kenya.
Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed ayaa magaalada Nairobi waxa uu maalintii
shalay iyo tan iyo xalay kulamo kula lahaa gudoomiyaha gobolka Shabeelaha
dhexe Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere oo halkaa shalay gaaray ayadoo
labada mas'uul ay soo gabagabeeyey khilaafki ka dhex jiray.
Warar aan ka helayno magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in laga yaabo
madaxweynaha Soomaaliya inuu gaari magaalada Jowhar xiliyada soo socda
laakiin ma cadda waqtiga rasmiga ah ee madaxweynaha uu magaaladaasi tagayo.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU
© RSTV 2006. All Rights Reserved |