Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Wafdi uu horkacayo madaxweyne C/laahi Yuusuf oo galabta ka ambabaxay magaalada Baydhabo ayagoo u kicitimay magaalada Nairobi.

Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu horkacayo ayaa galabta ka duulay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayagoo kusii jeeda magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya halkaasi oo la sheegay in kulamo ay kula qaadan doonaan wafdi uu hogaaminayo wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta Bare Aadan Shire Hiiraale oo duhurnimadii maanta magaaladaasi gaaray.

Xubnaha madaxweynaha socdaalkiisa ku wehliya oo 6 xubnood ka kooban ayaa waxaa  ka mid ah wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Ibraahim Macalin iyo xildhibaan Maxamed Cumar Gaagaale.

Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdiga la socda ayaa garoonka dayaaradaha ee magaalada Baydhabo waxaa kusii sagootiyey xubnaha labada gole ee magaaladaasi ku sugan oo ay horkacayeen ra’isalwasaaraha dowlada federaalka kmg ah ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi iyo gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Warar aanu ka heleyno magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in madaxweynaha dowlada federaalka KMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed uu uga

sii gudbi doono magaalada Nairobi magaalada London ee xarunta wadanka Ingiriiska halkaasi oo howlo caafimaad uu u tagi doono.

Si kastaba ha ahaatee ambabaxa madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilimaanta uu kulan la qaatay xubnaha golaha baarlamaanka oo uu kala hadlay arimodhowr ah oo ay ugu muhiimsanaayeen qorshaha amniga qaranka.

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho
.
RSTV NEWSROOM

 


© RSTV 2006. All Rights Reserved