Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Wasiirka arimaha dibada oo sheegay in wafdi ballaaran oo ay hogaaminayaan 3-da msa'uul ee ugu sareysa dowlada Soomaaliya ay booqasho ku iman doonaan Imaaraadka carabta isagoo dhinaca kalena baaq u jeediyey dowlada Imaaraadka.

Wasiirka arrimaha dibada ee dowladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo socdaal shaqo haatan ku maraya dalka isutaga Imaaraadka Carabta ayaa waxa uu kulan la qaatay wasiiru dowlaha wasaarada arrimaha dibada ee dowladda Imaaraadka Mux’ed Xuseen Al-shucaali, ayadoo labada masuulna ay kawada hadleen xaalada dalka Soomaaliya iyo hanaanka loo gacan qaban karo dowladda Soomaaliya.

C/llaahi Sheekh Ismaaciil ayaa ammaan ballaaran u jeediyay xiriirka taariikhiga ah ee u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah, isagoo sharaxaad uga bixiyay wasiiru dowlaha marxalada adag ee uu marayo dalka Soomaaliya iyo taageerada siyaasadeed iyo tan dhaqaale oo ay uga baahan yahay dhigooda Imaaraadka si dowladda ay uga gudubto mixnada iminka ay haysata.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa u sheegay wakaalada wararka u faafisa dalka Imaaraadka ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaano WAM in wafdi ballaaran oo ay horkacayaan madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed, ra’iisal wasaare Cali Max’ed Geeddi iyo guddoomiyaha baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan in ay socdaal rasmi ah ku imaanayaan dalka Imaaraadka, ayagoo kala hadli doona masuuliyiinta Imaaraadka xoojinta cilaaqaadka u dhaxeeya labada dal iyo waliba iskaashi ballaaran oo dhinacyo badan taabanaya oo dhex mara labada dal ee walaalaha ah.

Prof. C/llaahi Sheekh Ismaaciil ayaa waxaa lagu wadaa inta uu joogo dalka isutaga Imaaraadka carabta in uu kulamo la yeesho masuuliyiin kale oo ka mid ah madaxda dalkaas oo uu kala hadli doono taageerida dowladda iyo waliba ka qeyb qaadashada dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Maxamed Cadde..
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU

 


© RSTV 2006. All Rights Reserved