Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Hogaamiyaasha dowlada federaalka oo maanta warbixino siiyey golaha baarlamaanka.

Madaxweynaha dawladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed, ra’iisal wasaare Cali Max’ed Geeddi iyo guddoomiyaha baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta ka warbixiyay safaradii ay ku tageen dalka dibadiisa iyo wixii uga qabsoomay socdaaladaas kulankii baarlamanka oo maanta ay kasoo qeyb galeen 197 mudane.

Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta khudbad dheer ka jeediyay golaha baarlamanka hortooda, taasoo uu kaga hadlay socdaaladii uu ku tagay wadamo dhowr ah iyo waliba xaalada dalka uu marayo. C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa inta badan khudbadiisa kaga hadlay kulankii madaxda urur goboleedka IGAD ee ka dhacay magaalada Nairobi, kaasoo looga hadlay arrimaha Soomaaliya, waxa uuna sheegay madaxweynaha in loo baahan yahay in ciidamo ka socda urur goboleedka IGAD la keeno dalka si wax looga qabto ammaan darada baahsan ee ka jirta dalka Soomaaliya.

“ciidamada urur goboleedka IGAD waxa ay qabanayaan in ay sugaan amniga halka dawladu ay degan tahay, in ciidanka qaranka nala dhisaan, in ay tababar inoo siiyaan, in ay goobaha muhiimka ah sida garoonada, dekadaha iyo gooabaha canshuuraadka lagu qaado ay ilaaiyaan, ayagoo ku shaqeynaya amarka dawlada” ayuu yiri C/llaahi Yuusuf oo intaa ku daray “waa intaasi in loo baahan yahay ee laga ma maarmaanka ah, marka waxaa loo baahan yahay in ra’yigeena oo mideysan in aynu u bandhigno urur goboleedka IGAD”.

Madaxweyne Yuusuf waxa uu hoosta ka xariiqay in qorshaha ammaanka qaranka la hor geyn doono golaha baarlamanka si ay u ansixiyaan, isagoo meesha ka saaray shakiga ah in arrinkaasi meel marinta laga ansixiyo golaha wasiirada oo qura. Mudane Yuusuf waxa uu carabka ku adkeeyey arrin aan la soo marsiin golaha baarlamanka in aysan shaqeyneyn, isagoo ku booriyay golaha baarlamanka in ay ka shaqeeyaan danta qaranka iyo tan shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Yuusuf waxa uu ku tilmaamay qof marin habaabsan oo ka lunsan wadada toosan in ciidamo shisheeye la’aantood wax la dhisi karo oo dawladi ay sii jiri karto.

 “ninkii aaminsan ciidan qaran oo aan jirin, ciidan wax ka dhisaya ciidanka qaran oo suga amniga dawlada inta ciidanka laga dhisayo , arrintaas la’aantood baa dawlad jiri kartaa, aniga waxey ila tahay wuu qaldan yahay, maxaa yeelay macnuhu wuxuu noqonayaa 5teena sanao aan isaga noolaano si tartiib ah, aan cunto iska cunno, aan iska seexano, gunnooyin haddii na la siiyo aan qaadano, waxba yeenaan qaban, taasi dawladnimo maahan, wax la yeeli karana maahan, waxaan socon korin ninkii raadiyaa wuxuu u dan leeyahay waa muuqdaan, aniga cidna uma dan lihi, guud ahaan baan u hadlayaa, wixii qaran ku dhalan lahaa oo lagu xasili lahaa oo karaamada loo soo celin lahaa, looma baahna qofii qaba, Dee wixii uu ula jeedo waad garanaysaan”ayuu Yiri madaxweynaha Soomaaliya oo intaasi sii raaciyey “damiirkiina la tashada oo markii arrimaha noocaasi ah idinla soo gudboonaadaan, oo dawlada ay soo gudbiso wixii idin la gudboon yeela, labey mid noqoneysaa ama wixii danta qaran ku imaanayso oo xasilooni, midnimo iyo qaranimo lagu helayo beynu ku tallaabsanaynaa, ama in aan iska sheegano baarlamaan, golayaal madaxweyne iyo dawlad meel iska fadhiyi meynee,weynu isu faataxeyneynaa, maalin harki baan isku imaaneynaa weynu is macsalaameyneynaa Shar ceeb leh beynu oraneynaa, wax ka dhaxeeya ma jiraan, wixii labadaa ka dhaxeeya waxey yihiin lama arko, hunu huno hadal maahan, himbiriirsana wax arag maahan weeye, intaa waa warbixintii iiga soo aaday, waa IGAD shirkeeda wixii kasoo baxay” .

Ra’iisal wasaare Geeddi ayaa khudbadiisa inteeda badan kaga hadlay socdaalkii ay ku tageen isaga iyo madaxweynaha magaalada Bruseles ee dalka Bilgium, halkaasoo ay heshiisyo kula soo saxiixdeen midowga Yurub, isagoo sheegay in midowga Yurub uu u ballan qaaday dawladooda lacag gaaraysa 200 oo milyan oo Euro oo loo bixinayo marxalado kala duwan, 10 milyan oo kamid ah lacagtaasi waxaa loo qoondeeyay buu yiri ra’iisal wasaaraha arrimaha bini aadanimo, halka 70 miliyan loogu tala galay dib u dhiska dalka. Mar uu ka hadlayay socdaalkii uu ku tagay magaalada Adis Ababa waxa uu sheegay halkaasi in uu xariga uga jiray dhismo cusub oo loo dhisay safaarada Soomaaliya oo uu sheegay in lacagaha lagu dhisay badankood ay bixisay dawladda Ethiopia. Waxa uu sidoo kale Geeddi uu xusay in ciidamada Mareykanka ay u fasaxeen in ay soo galaan biyaha Soomaaliya si ay wax uga qabtaan burcad badeeda fara ba’an ku haya maraakiibta adeegsata biyaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isagna ka hadlay kulankii maanta baarlamanka ay isugu yimaadeen waxa uu sheegay in shir madaxeedkii hogaamiyayaasha wadamada carabta ay ku yeesheen magaalada Khurtuum si weyn in loogu soo dhaweeyay wada jirka dawlada iyo waliba kulamada baarlamanka uga socda magaalada Baydhabo, waxa uuna xusay madaxdii ay isku arkeen kulankaas in ay ku bogaadiyeen heshiiska ay kaga gaareen masuuliyiinta Soomaaliya khilaafkii ragaadiyay dawladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya.

 

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV NEWSROOM


© RSTV 2006. All Rights Reserved