Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Maalinta aasaaska ciidanka xoogga Soomaaliyeed ee 12ka April oo si weyn Soomaaliya looga xusay.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta u dabaaldagaya sanad guuradii 46aad ee kasoo wareegatay aasaaska ciidankaas, ayadoo maanta guud ahaan dalka ay ka dhaceen munaasabado lagu maamuusayo aasaaskooda.

Munaasabad aad u ballaaran oo ay soo qaban qaabisay wasaarada gaashaandhiga Soomaaliya ayaa xalay ka dhacday magaalada Baydhabo, ayadoo xafladaas uu hadallo ka jeediyay wasiirka gaashaandhiga C/raxmaan Maxamud Cali oo si weyn uga hadlay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray ciidanka xoogga Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay xaalada ay ku jiraan ciidanka xoogga dalka oo noqday kuwa layska halmaamay 15kii sanadood ee ugu danbeeyay, isagoo ku afgobaad saday in dowladdiisa ay dadaal weyn ugu jirto dib usoo nooleynta kaalintii ciidaka xoogga uu ku lahaa howlaha dalka. Aabaanduulaha ciidanka Xooga dalka janaraal Ismaaciil Qaasim Naaji oo isagana ka hadlay munaasabadaas ayaa sheegay mudnaanta 1aad ee dowladda in ay tahay dhidiba u taagida ciidanka xoogga dalka oo uu sheegay in ay soo wajahday sanadihii ugu danbeeyay dhibaatooyin dhan waliba leh, waxa uuna carabka ku dhuftay in kaalintii ay ku lahaayeen mujtamaca dib loo soo celin doono.

Waxaa sidoo kale maanta magaalooyinka waa weyn iyo gobollada dalka ka dhacay munaasabado lagu xusayo sanad guuradii 46aad ee kasoo wareegatay aasaaska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xaruntii hore Stadio Muqdisho ayaa maanta waxaa ka dhacday munaasabad ballaaran oo uu soo agaasimay maamulka gobolka Banaadir oo lagu maamuusayey aasaaska ciidanka xoogga dalka.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ,Kumanaan dad ah iyo saraakiil Soomaaliyeed ayaa maanta isugu soo baxay xarunta Stadio Muqdisho ayadoo ciidanka xooga oo labisan direeskii lagu yaqaanay ay halkaasi kusoo bandhigeen waxqabadkoodii waxaana dadweynihii goobtaasi soo xaadiray ay daawadeen gaadi ka cayaar ay soo bandhigeen ciidankii xoogga qaranka.

Munaasabadii ka dhacay xarunta Stadio Muqdisho ayaa waxaa hadalo kala duwan ka jeediyey gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Xasan Cali Cadde Gaabow,saraakiil ciidanka xoogga ka tirsan iyo suugaanyahano ayadoo hadaladii maanta laga jeediyey munaasabadaasina ay inta badan ahaayeen kuwa dareenka dadka wax ka badalayey.

Munaasabada 12ka April ayaa kusoo beegmaya xilli ra’iisal wasaare Cali Max’ed Geeddi uu dhawaan shaaca ka qaaday in dowladdiisa mudnaanta 1aad siinayso dhismaha ciidanka xoogga dalka, ka hor inta aysan dowladdu u yeeran ciidamo shisheeye oo ka caawiya soo celinta amniga iyo kala danbeynta, ayadoo taasina dhiiri galin u noqonaysa rajadii ciidanka xoogga dalka ay ka qabeen in mar kale ay kusoo aabtaan fagaarayaasha.

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV NEWSROOM

 


© RSTV 2006. All Rights Reserved