|
Maxamed Dheere oo gaaray Nairobi.
Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere)
ayaa maanta ka duulay garoonka dayaaradaha magaalada Jowhar ee xarunta
dowlada kmg ah ee Soomaaliya isagoo gaaray magaalada Nairobi ee xarunta
dalka Kenya halkaasi oo ay horey ugu sugnaayeen mas’uuliyiinta ugu sareysa
ee dawlada federaalka KMG ah ee Soomaaliya
Maxamed Dheere ayaa marka uu gaaro magaalada Nairobi waxaa la filayaa
inuu kulamo dheer kula qaato mas’uuliyiinta ugu sareysa ee dawlada
federaalka KMG ah ee Soomaaliya ..
Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere)
oo todobaadkan horaantiisii magaalada Adis ababa ee xarunta wadanka Itoobiya
heshiisyo kula soo saxiixday ra’iisalwasaaraha dawlada KMG ee Soomaaliya
Cali Maxamed Geedi ayaa hogaamiyaasha dawlada u muujin doona in laga gudbay
qilaafaadkii maalmihii ugu danbeeyey soo kala dhex galay.
Maxamed Dheere ayaa la sheegayaa inuu si gaar ah kulamo ula qaadan
madaxweynaha dawlada KMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed uu oo horey
ugu eedeeyey inuu ku takri falayo awooda dawlada kmg ah.
Si kastaba ha ahaatee u kicitimada Maxamed Dheere ee Nairobi ayaa kusoo
beegantay xili hogaamiyaasha ugu sareysa ee dawlada kmg ah ee Soomaaliya ay
isugu urureen magaalada Nairobi si ay xal uga gaaraan halka dawladda ay ku
shaqeynayso
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU
© RSTV 2006. All Rights Reserved |