Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Maxamed Cumar Xabeeb Ayaa ku soo laabtey Jowhar

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere uu ku soo laabtey Degmada Jowhar ka dib Markii socdaal qaatey dhowr maalmood ugu maqnaa magaalada Addis Ababa.

Maxamed Dheere ayaa intii uu joogey Addis  waxaa uu wada hadalo halkaas kula yeeshe Madax ka tirsan Dowladda Ethiopia iyo waliba Ra'iisal wasaaraha DKMG ah Prof. Cali M.Geeddi. wararku waxay sheegayaan in wadahadaldii dhexmarey Maxamed dheere iyo Geeddi ay sameeyeen waxoogaa horumar ah oo laga gaarey Khilaafkii soo kala dhexgaley Dowladda Fedaraalka ah iyo Maxamed Dheere.

Ilo xog ogaal ah oo ku dhow Dowladda Federalka ah ayaa tibaaxaya in la wado dadaal aan loo kala harin oo ku saabsan sidii meel la isugu keeni lahaa madaxda DKMG ah iyo Guddoomiyaha Maamulka Sh/dhexe Maxamed Cumar Xabeeb oo isagu wax badan ahaa nin ku soo dadaaley sidii Dowladda Federaalku ay u noqon lahayd dowlad ka dhex shaqeysa Dalka gudihiisa isagoo markaasi ku Marti galiyey Gobolka Sh/dhexe.

In muddo ah ayaa waxaa jirey Khilaaf la isku mari waayey oo dhexmarey Madaxda DGMG ah oo horey Jowhar ugu sugnaa Magaalada Jowhar iyo Maxamed Dheere kaasi oo sababay in warbaahinta uu Maxamed Dheere hadallo kulul uga Gudbiyo Madaxweyanaha Soomaaliya Cabdullahi Yusuf.

 

RSTV NEWSROOM
ROCHESTER,MN

© RSTV 2006. All Rights Reserved