Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Guddoomiyaha Shabeelada dhexe Maxamed Dheere oo Jowhar dib ugu soo laabtay.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Sh/dhexe Hogaamiyekooxeedka Maxamed Cumar Xabeeb(Maxamed Dheere) oo katirsan Isbaheysiga Ladagaalanka Argagixisada ayaa galabta dib ugu laabtay Magaalada Jowhar kadib markii uu mudo todobaad ku dhow booqasho ku joogay Magaalada Nairobi oo uu kula kulmay Madaxweynaha ,Raisalwasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed Dheere ayaa uololeynaya iney Magaalada Jowhar ku laabtaan Xubnaha Golaha wasiirada ee Dawlada Soomaliyeed isagoo arintaasi kala hadlay madaxda sarsare ee Dawlada,sidoo kale maxamed Dheere ayaa arintani kala hadlay dawlada Ethopia gaara ahaana wasiirkeeda Arimaha Dibada.

Gudoomiyaha ayaa waxaa la socday xubno ka tirsan Maamulkiisa isagoo aan Saxaafada la hadlin ayuuna gaaray Gurigiisa ku yaala Magaalada Jowhar sida uu sheegay saxafi ku sugan Magaaladaasi oo uwaramayey RSTV wararka qaar ayaa sheegaya in laga yaabo inuu Maxamed Dheere la hadli doono Xubnaha Maamukiisa sidii uu kal hore markii uu kasoo laabaneyey Magaalada Adisababa. Soo laabashada maxamed Dheere ayaa kusoo beegantay xili Baarlamaanka laga sugayo iney cod kalsooni leh uqaadaan Tegitaanka Xukuumada ee Magaalada Jowhar taasoo ay go,aamiyeen Gudoomiyaha baarlamaanka iyo Madaxweynaha xiligii ay joogeen Magaalada Neyroobi

Maxamed Cadde.
 RSTV NEWSROOM
Xafiiska RSTV Muqdisho.

 


© RSTV 2006. All Rights Reserved