|
Golaha Baarlamanka oo maanta
dhameystiray dhagaysiga warbixinada ay soo diyaariyeen gudiyada Baarlamaanka.
Golaha baarlamanka ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta ADC ee magaalada
Baydhabo, maalin uun kadib markii maleeshiyooyin hubeysan ay is hortaageen
kulankii golaha wasiirada ee dowladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya.
Kulankii maanta oo lagu dhameystiray warbixino laga dhagaysanayay guddiyadii
haray ee baarlamanka ayaa waxa ay guddiyadaasi soo bandhigeen qaabka ay ku
shaqeynayaan, ayadoo xildhibaanada si weyn maanta ay uga doodeen howlaha
gudiyadaas.
Kulankii maanta oo aan lagu casuumin saxaafada waxa uu gabagabadii
kulankaas uga hadlay gudoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamanka Prof. Max'ed
Cumar Dalxa. waxaa maanta warbixino laga dhagaystay guddiyada kala ah:
1) Gudiga hub ka dhigista..
2) Guddiga dib u heshiisiinta
3) Guddiga Cilmiga iyo Tiknoolajiyada.
4) Guddiga arrimaha dibada iyo xiriirka caalamiga.
5) Guddiga maaliyada iyo ilaalinta hantida qaranka.
6) Guddiga hubinta anshaxa.
Markaa kadib waxaa laysla gartay guddi farsamo oo isku soo duba rida
howlaha guddigaa iyo qaabka ay u wada shaqeyn karaan guddiyada wasiirada.
Gudoomiye ku xigeenka golaha baarlamanka Prof. Max'ed Cumar Dalxa ayaa waxa
uu intaa ku daray in guddiga farsamo ee loo saaray isku duba ridida howlaha
gudiyada baarlamanka oo ka kooban 9 xubnood ay muddo laba maalmood gudahood
ah ay guddoonka baarlamanka u soo gudbi doonaan howsha loo xil saaray.
Kulankii maanta ayaa ku soo beegmay xilli maanta magaalada Baydhabo iyo
nawaaxigeeda laga qaaday isbaarooyin ay dhigteen maleeshiyooyinkii lagu
xareeyay xerada Daynuunaay oo ku soo yaacay magaalada, kadib markii sida la
sheegay ay soo food saartay daryeel xumo.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU
© RSTV 2006. All Rights Reserved
|