Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Masuuliyiin Ameerikaan ah iyo kuwa kale oo Soomaali ah oo kulamo ay uga socdaan magaalada Nairobi.

Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in magaaladaas ay kulamo xasaasi ah uga socdaan saraakiil Mareykan ah iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Beesha Ceyr, ayadoo kulamadaasna looga hadlay arrinta isbahaysiga la dagaalanka argagixisada.

Kulankan maanta ka dhacay safaarada Mareykanka uu ku leeyahay magaalada Nairobi ayaa waxaa kamid ahaa xubnihii ka qeyb galay Xildhibaan Seeraar, Xildhibaan Xasan Dhimbil Warsame, gudoomiyaha golaha deegaanka gobolka Banaadir Max'ud Cumar Tootow, Jenaraal Max'ed Nuur Galaal, Ganacsade Max'ed Deylaaf iyo masuuliyiin kale. Siyaasiyiinta kulamada la qaatay saraakiisha mareykanka ayaa waxa ay u jeedadiisu tahay sidii ay ugu qancin lahaayeen Mareykanka in ay gabi ahaanbaan ay soo afjaraan kaalmada lacageed iyo tan maadiga ah oo ay u fidiyeen isbahaysiga sharta iyo sheydaanka oo dhibaatooyin kala duwan ku haya dadka rayidka ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho. Kulamadan u dhaxeeeya Mareykanka iyo wafdiga Soomaaliyeed ayaa kusoo beegmay xilli xiisado dagaal dhaliyay ay ka jiraan magaalada Muqdisho, taasoo u dhaxeysa isbahaysiga argagixiso la dirirka oo kasoo qaatay Mareykanka qndaraas lagu dhoofinayo culumaa'uddiinka Soomaaliyeed.

 

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU

© RSTV 2006. All Rights Reserved