|
Dowlada Kenya oo xaqiijisay
afduubka dooni shalay lagu afduubtay xeebta Baraawe.
Masuul katirsan waaxda aarrimha badda ee dowladda dalka Kenya ayaa shaaca
ka qaaday in burcad badeed Somali ah ay dooni ku qafaasheen xeebaha
magaalada Baraawe .
Masuul lagu magcaabo Andrew Mowangara oo xubin ka ah urur dowladda Kenya
u qaabilsan arrimaha badaha ayaa xaqiijiyay afduubka doonidaasi isagoo
sheegay in burcad badeed somali ah ay doonidaasi ku qafaasheen meel ku dhow
xeebta magaalada kismaayo.
Doonidaasi oo magaceeda lagu sheegay Kismayo-Bound ayaa maalintii
khamiistii waxaa lagu afduubtay meel u dhexeysa degamda Baraawe iyo
magaalada kismaayo,markasi kadib warar soo baxay ayaa sheegay in doonidaasi
loola baxsaday dhakaa iyo xeebaha degmada Xarardheere oo la sheego in ay ku
badanyihiin kooxaha howlaha burcad badeednimada ka fuliya gudaha xeebaha
dalka somaliya.
Mr Mowangare waxaa uu sheegay in doonidaasi burcad badeed Somali ah ay
rassaas oodda kaga qaadeen kahor intii aysan afduuban waxaana uu ka
gaabsaday in uu sheego haddii shaqaalaha doonida saarnaa ay waxyeelo kasoo
gaartay rassaasta.
Wakaaladda wararka u faafisa dalka Britain ee Reuters ayaa ku warantay in
burcad badeedda Somalida ay doonidaasi u kaxeysteen deegaanka gaan oo
katirsan degmada Xarardheere halkaasi oo haatan lagu hayo doonidaasi.
Mr Mowangaara waxaa intaasi uu raaciyay in shaqaalaha markabkaasi uusan
xaqiijin karin xaaladdoda balse waxaa uu cadeeyay in qaarkood ay kasoo
jedaan dalka Indonesia.
Afduubyada doomaha shisheeyaha ayaa xeebbaha dalka somaliya waxaa uu ka
noqday falal caado ah iyadoo ay jiraan dadaalo ay dowladda FKMG ku dooneyso
sidii dalalka caalamka ay kaga kaashan laheyd yareynta khatarada lagasoo
sheegayo xeebaha dalka Somaliya.
Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV NEWSROOM
© RSTV 2006. All Rights Reserved |