Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Iska hor imaad hubeysan oo ka dhacay xaafada Afarta Derjiino ee Muqdisho.

iska hor imaadka saakay ka dhacay isgoyska 4-ta Jardiino ee magaalada Muqdisho oo socday qadar daqiiqo ah ayaa sababay 2 qof oo rayid ah oo marayay isgoyska xiliga uu iska hor imaadka ka qarxay xaafadaha ka ag dhaw isgoyska oo ay difaac ka galeen ciidanka Xaaji Abuukar iyo dhalinyaro xaafadeedka deegaanka iyo maleeshiyaad isbaaro u tiilay afka hore ee laga galo suuqa Maano Boolyo ee degmada Shibis, kuwaasoo doonaya in ay lacago baad ah ka qaataan gaadiidka dadweynaha iyo kuwa xamuulka ee soo gala suuq Bacaad ee adeegsada wadada dheer ee Wadnaha.

Isku dhicii saakay ka dhacay isgoyska waxa uu sababay in hakad uu ku yimaado isu socodka gaadiidka, inkastoo wadada ay furantay saacado kadib, markii la riixay maleeshiyaadkii kusoo siqay isgoyska oo loo celiyay halkii markii hore ay joogeen.

Labada dhinac ayaa weli isku hor fadhiya xaafadaha ka ag dhaw isgoyska, ayadoo aysan iminka jirin wax rasaas ah oo socota, balse waxaa jira walaac ballaaran oo laga qabo in mar kale uu iska hor imaad ka dhaco isgoyska oo ah goob istaraatiiji ah oo isku xirta magaalada inteeda kale.

Cali Cumar oo u hadlay dhalinyaro xaafadeedka difaaca uga jira agagaarka isgoyska ayaa saxaafada u sheegay in maleeshiyaadka isbahaysiga ay weerar kusoo qaadeen saakay xaafadooda, ayagoo doonaya in ay qabsadaan isgoyska Afarta Jardiino, balse dhalinyarada xaafadeedka oo gurmad ka helay ciidanka Xaaji Abuukar oo markii horeba gacanta ku hayay isgoyskaasi in ay ceyriyeen maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday.

Ma jirto ilaa iyo iminka cid waan waan dhex dhigtay labada dhinac oo weli isku hor fadhiya xaafadaha ka agdhaw isgoyska, taasoo walaac weyn ku abuurtay dadka ku dhaqan xaafadahaasi oo ka baqaya in talo faro ay ka baxdo, isla markaana arrintu ay isku rogto dagaal toos ah oo dhex mara labada dhinac.

Shaqaaqada maanta ka dhacday isogayska Afarta Jaradiino waxa ay kusoo beegantay xilli xiisadaha colaadadeed ee u dhaxeeya maxaakimta islaamiga iyo isbahaysiga isku magacaabay argagixiso la dirirka.

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV NEWSROOM

 


© RSTV 2006. All Rights Reserved