|
Iska hor imaad dad ay ku dhinteen
oo maanta ka dhacay magaalada Kismayo.
1 qof ayaa ku geeriyooday 3 kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray is
rasaaseyn maanta ka dhacday magaalada Kismaayo, taasoo u dhaxeysay ciidanka
booliska magaalada iyo maleeshiyooyin hubaysan. Is rasaaseyntan maanta ka
dhacday suuqa Dalcada ee bartamaha Kismaayo ayaa waxaa lagu soo warrmayaa
qofka ku geeriyooday in ay ahayd haweeney mehrad ganacsi ku haysatay suuqaas,
ayadoo 3da kale ee ku dhaawacantayna la dhigay cusbitalka guud ee magaalada
Kismaayo.
Afhayeenka isbahaysiga dooxada Jubba Bile Dheere oo la hadlay saxaafada
shilkaas kadib ayaa carabka ku dhuftay in ciidanka booliska magaalada ay
sara u qaadi doonaan howl gallada ammaanka lagu sugayo oo ay ka wadaan
xaafadaha magaalada Kismaayo oo maalmahan laga dareemay ammaan darro xoogan.
Bile Dheere waxa uu intaa ku daray falkii maanta ka dhacay suuqa Dalcada
in uu ahaa mid aan loo dulqaadan karin, waxa uuna xusay in ay gacan bir ah
kuqaban doonaan maleeshiyooyinka qal qalka gelinaya amaanka magaalada.
Dhanka kale waxaa maanta magaalada kismaayo tababar dhinaca anshaxa iyo la
dhaqanka bulshada uu uga furmay booliska magaalada Kismaayo, kaasoo sare
loogu qaadayo heerka aqooneed ee booliska oo looga fadhiyo howlo baaxad leh
oo dhinaca ammaanka ah in ay ka qabtaan magaalada Kismaayo.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU
© RSTV 2006. All Rights Reserved
|