Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Isbahaysiga la dagaalanka argagixisada oo iska fogeeyey in uu lug ku leeyahay waraaqihii Muqdisho lagu daadiyey.

Isbaheysiga la baxay la dagaalanka argagixisada iyo soo celinta nabada ayaa maanta shir Jaraa'id ku qabtay xarunta wasiirka amniga qaranka Maxamed Qanyare Afrax uu ku leeyahay degmada dayniile ee magaalada Muqdisho.

Isbaheysiga la dagaalanka argagixisada iyo soo celinta nabadda ayaa shirkiisa Jaraa'id waxa ay isaga fogeeyeen waraaqo la sheegay in dhawaan lagu daadiyey qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho kuwaasi oo mas'uuliyadooda dusha laga saaray maxkamada islaamiga ah ee gobolka Banaadir inkastoo maxaakiimta ay iska fogeeyeen.

Afahayeenka isbaheysigan Xuseen Guutaale Raage oo shirkaasi jaraa'id ka hadlay ayaa sheegay in waraaqahaaasi aysan wax lug ah ku lahayn isagoo ku eedeeyey mas'uuliyadooda maxkamada ka jira Muqdisho oo uu sheegay in ay doonayaan in shacabka iyo isbahaysiga ay iska hor keenaan.

Xuseen Guutaale ayaa sheegay in isbahaysiga dhawaan uu magaalada Muqdisho ka bilaabayo howlo bulshadsa uu wax ugu qabanayo isla markaana bulshada uu ugu adeegayo si loo muujiyo in isbahaysiga uusan ahayn mid bulshada wax u dhimaya.

Isbahaysiga la dirirka argagixisada iyo soo celinta nabada iyo maxkamada islaamiga ah ayaa laga cabsi qabaan in mar kale ay isku faro saaraan gudaha magaalada Muqdisho waxaana qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho haatan laga dareemayaa cabsi dagaal.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
Xafiiska Muqdisho

 


© RSTV 2006. All Rights Reserved