Maleeshiyaadka isbahaysiga la baxay la dagaalanka argagixisada iyo soo
celinta nabada ayaa xoog ku qabsaday xaruntii hore ee dugsiga hoose Dhexe ee
Godey ee ku yaalla degmada kaaraan ee magaalada Muqdisho ka dib markii
aroortii hore ee saaka ay dagaal la galeen ciidan dhawaan halkaasi fariisin
ka dhigtay kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay taageero u ahaayeen ganacsade
Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo gacan saar weyn la leh maxkamaha islaamiga ee
gopbolka Banaadir
Maleeshiyooyinka isbahasyiga oo xalay oo dhan abaabul xoogan ugu jiray
weerar ballaaran oo ay ku qaadaan ciidamo tiro yar oo halkaasi fariisin ka
dhigtay ayaa saakay markii uu dilaacay waaga waxa ay weerar ku asteeyeen
ciidamo xaafadeedkii barta ciidan ka dhigtay dugsigaasi oo ku hubeysnaa
qoryo gacmeedyo, taasoo u fudueysay maleeshiyaadka isbahaysiga oo watay
gawaarida dagaalka in ay si fudud kula wareegaan gaca ku haynta deegaankaasi.
Weerarkan gaadmada ah ayaa qaatay qadar saacado ah waxaana inta la og
yahay ku geeriyooday 1 qof, 2 kalena waa ay ku dhaawacmeen.
Xaalada deegaanka ayaa iminka waxa ay u muuqataa mid degan, marka laga
reebo walaac dadka ay ka qabaan in mar kale ay halkaasi dagaallo ka dhacaan.
Maleeshiyooyinka isbahaysiga ayaa horay uga dalbaday dadka ku dhaqan
deegaanka in ay ka saaraan ciidanka lagu xareeyay xarunta dugsiga, balse
odayaasha dhaqanka deegaanka ayaa ku jawaabay in ciidanka lagu xareeyay
dugsiga ay yihiin dhalinyarada xaafada oo isku abaabulaya sidii ay wax uga
qaban lahaayeen ammaan darrida ka jirta deegaanka, waxa ayna hoosta ka
xariiqeen in aysan jirin cid ku taageeraysa in ay halkaasi ciidan ku
uruuriyaan, marka laga reebo damiirkooda shaqsiyadeed oo u cuntami waayay
waxa ka dhacaya xaafadooda.
Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV NEWSROOM