|
Isbahaysiga la dagaalanka
argagixisada iyo maxkamada islaamiga oo soo dhaweeyey dadaalada la doonayo
in qaboojiyo xiisada labada dhinac ka dhaxaysa.
Gudoomiyaha midowga maxaakiimta Islaamiga ah ee gobolka Banaadir
Sh.Shariif Sh.Axmed ayaa shaaca ka qaaday in dhankooda ay soo dhaweynayan
dadaal kasta oo lagu doonayo in lagu dhameeyo dagaalladii qaraaraa ee
maalmihii ugu danbeeyay ku dhexmarayey magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha midowga maxaakimta islaamiga gobolka Banaadir Sh.Shariif
Sh.Axmed ayaa soo dhaweeyay dadaalada nabadeed oo ay ku hawlan yihiin
maamulka gobolka Banaadir, waxa uuna xaqiijiyay in maxkamadaha islaamiga ay
diyaar u yihiin waan waan kasto oo xal loogu raadinayo xiisadaha ka taagan
Muqdisho.
“waad ogsiin tihiin maxaakimtu caqabad kuma aysan ahayn dadaalada
nabadeed ee xalka loogu raadinayo dhibaatada ka taagan Muqdisho, waxaanu mar
kale ku celineynaa in aanu diyaar u nahay waan waan kasto oo nabad looga
dhalinayo muqdisho” ayuu yiri Sheekh Shariif oo intaa raaciyay in maxaakimtu
qorshihii loo dhisay markii horaba in ay ahayd nabad laga dhiliyo magaalada
Muqdisho.
Afhayeenka isbahaysiga argagixiso la dirirka ayaa isagana si taxadir ku
jiro usoo dhaweeyay dadaalada nabadeed oo ay wadaan maamulka gobolka
Banaadir, isagoo xusay in ay qaadanayaan waan waanta ay ku hawlan yihiin
maamulka iyo waxgaradka gobolka Banaadir oo lagu soo afjarayo colaada ka
aloosan Muqdisho.
Waan waanta ay wadaan maamulka gobolka Banaadir haddii ay hirgasho waxa
ay noqonaysa in ay ku guuleystaan baajinta dagaal mar kale ka dhaca Muqdiho
oo dhex mara isbahaysiga iyo maxaakimta oo tiro laba jeer ah ku dagaalamay
Muqdisho.
Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale soo dhaweeyay
dadaalada nabadeed oo ay isku xilqaameen waxgarad iyo masuuliyiin ka tirsan
maamulka gobolka Banaadir, taasoo lagu baajinayo dagaal mar kale ka qarxa
Muqdisho.
Isbahaysiga ayaa soo dhaweeyeen dadaalada nabadeed ee lagu qaboojinayo
xiisadaha kala dhaxeeya maxkamadaha islaamiga laakiin waxa uu waantaasi
shuruud kaga dhigay haddii aysan ka hor imaaneyn wax uu ku sheegay
mabaadii’da isbahaysiga.
Maamulka iyo waxgaradka gobolka Banaadir ayaa wada waan waan xal loogu
raadinayo dhiilada colaadeed ee cirka isku sii shareeraysaa, una dhaxeysa
maxkamadaha islaamiga ee Muqdisho iyo isbahaysiga la dagaalanka argagixisada,
ayadoo waxgaradkaasi indhaweydba shirar ay uga socdeen hotelka Nabada ee
Muqdisho, taasoo looga golleeyahay in lagaga hortago dagaal mar kale ka
qarxa Muqdisho.
Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV NEWSROOM
© RSTV 2006. All Rights Reserved |